Maayarka Cusub ee Degmada Sallaxley oo Xilkii kala Wareegay Maayarkii hore ee degmadas
Hargaysa 05.Jan (SDN)
Gudoomiyaha Degmada Sallaxley ayaa maanta si rasmi ah Xilkii ugala wareegay Gudoomiyihii hore ee degmadaas.
Xil wareejintan waxaa Goob joog ka ahaa Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Maroodi Jeex Rashiid Axmed Maxamed.
Gudoomiyihii hore ee degmadaasi Ismaaciil Shiine ayaa ka waramay waxqabadkii u suurto galay Mudadii uu hogaaminta degmada hayay waxaanu intaas ku daray inuu gudoomiyaha Cusub iyo Golihiisaba u rajaynayo in eebe u fududeeyo Waajibaadka Culus ee Sugaya.
Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Sallaxley Maxamed Ibraahin Xandule ayaa hadal kooban oo uu madashii xil wareejinta ka jeediyay waxa uu sheegay inay u hawl gali doonaan waxqabadkii ay balan qaadeen xiligii ay ku guda jireen ololaha doorashada deegaanka isla markaana si wadaniyadi ku jirto ugu adeegi doonaan dadkooda .
Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Maroodi Jeex Rashiid Axmed Maxamed ayaa sheegay in Maamulkii hore ee degmadu waxyaabihii uu qabtay ay ku mahadsan yihiin isla markaana looga baahan yahay golaha deegaanka ee degmada Sallaxley sidii ay horumar la taaban karo uga samayn lahaayeen degmada ay xilkeeda qaadeen .
Hargaysa SDN