Madaxweyne Siilaanyo oo Xadhiga ka Jaray Shirkad nooceedu ku cusub yahay Somaliland
Hargaysa 05.Jan (SDN)
Madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xadhiga ka jaray warshadda cusub oo soo saari doonta Buugaagta iyo waraaqaha taas oo laga hirgaliyay Magaalada Hargaysa.
Munaasabada uu madaxweynuhu xadhiga kaga jaray wershadaasi oo ka dhacday xarunta wershadda oo ku taalla xaafada New Hargaysa ayaa waxaa ugu horayn faahfaahin ku saabsan wershadaasi ka soo jeediyey Mulkiilaha wershada Xaaji Aadan Axmed Diiriye ((Aadan Baradho)) oo tilmaamay in uu aad ugu faraxsan yahay ka soo qayb galka madaxweynaha ee munaasabadan.
Ganacsade Aadan baradho waxa uu sheegay in wershadan daraasadeeda iyo dhismaheedu ay socdeen muddo afar sanadood ah. xiligaana ay hawsheedu ka soo gudubtay caqabado kala duwan oo ay ugu horayso in aanay jirin qofka hawsha wada cid kale oo caawinaysa. inkastoo uu hadalkiisa ku daray in wasaaradaha ku shaqada leh wershadaha iyo ganacsigu sida ganacsiga iyo maaliyaddu ay si wacan ula shaqeeyeen mudadaas.
Mulkiilaha Wershadaasi waxa uu caddeeyey in mashruucan wershadda loogu talo galay inuu daboolo baahida waraaqaha ee uu dalkan JSL u baahan yahay isla markaana loo gudbin doono dalalka deriska taasoo soo saari doonta buugaagta ardayda dugsiyada, warqadaha A 4-ta ee xafiisyada lagaga shaqeeyo iyo in laga maarmi doono in warqado lagala soo dego dalka dibadiisa taasoo uu ku tilmaamay mid xitaa ka qayb qaadan doonta fayo dhawrka guud ee dalka.
Wasiirka wasaaradda Ganacsiga ee JSL Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo munaasabadaas ka hadlay ayaa sheegay in kobcinta wershaduhu ay fure u tahay kobcinta dhaqaalaha dalka, wasaarad ahaana ay go’aansadeen inay fududeeyaan waxii ku xidhma haday tahay dhanka cashuuraha ama talooyinka.
Md Khaliif waxa uu xusay in ganacsatadu ay hormuud ka tahay sidii loo hirgelin lahaa qorshayaasha lagu hiigsanayo sidii dalkani u gaadhi lahaa horumar dhaqaale oo la isku hallayn karo.
Madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo hadal kooban munaasabadaasi ka jeediyey ayaa sheegay in dalka JSL yahay mid shacab iyo dawladba diyaar u ah inuu tallaabo u qaado dhan kasta oo horumarka lagaga qayb qaadanayo.
Madaxweynaha Somaliland waxuu balanqaaday in xukuumaddu diyaar u tahay inay mar walba wax la qabato ganacsatada isla markaana aanay jirin wax hagrasho ah si loo dhiirrigeliyo sidii dalku u yeelan lahaa wershado daboola baahiyaha dalka ka jira, shaqooyina looga abuuri lahaa bulshada.
Munaasabbadaasi waxaa kaloo ka qayb galay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Golaha wakiilada JSL ahna Gudoomiyaha Xisbiga wadani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi, xildhibaano, ganacsatada Sl qaarkood, gudoomiyaha Rugta ganacsiga Sl Max’ed Shukri Xuluul iyo mas’uuliyiin kale.
Shirkadan Cusub ayaa noqonaysa tii u horaysay ee dalka ka soo saari doonta Buugag iyo Waraaqo Casri ah oo Midab leh.
Hargaysa SDN