|

Gaadiidka Jaadka Oo Bilaabay Inay Hub Qaataan, Dhaawacna u Gaystay Askar ka Tirsan Kastanka Caynabo

Hargeysa (SDN), Jan, 05, 2013- Gaadiidka jaadka qaada ayaa bilaabay inay hub qaataan ka dib markii wasaaradda maaliyadu kordhisay qiimaha sarifka doolarka ee ku salaysan cashuurta laga qaado oo shirkadaha qaarkood si weyn uga biyo diideen.

Shirkadaha qaadka ka ganacsada iyo wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa is marin waa soo kala dhex galay, iyada oo ay shirkadaha qaarkood diideen inay maraan goobihii ay lagu cashuuri jiray oo ay ka mid yihiin kastanka Kalabaydh, waxaanay shirkadahani bilaabeen inay kootarabaan ku soo galiyaan magaalooyinka dalka jaadka ay diideen cashuurta cusub ee lagu soo rogay.

Is bedelka ku yimid cashuurtii hore ee laga qaadi jiray jaadka ayaa ah sarifkii doolarka oo la kordhiyey iyo cashuurta boqolkiiba woxoogaa lagaga dhaafi jiray xashiish ahaan oo la sheegay in la yareeyey qiimaha laga dhaafi jiray, taasina ay keentay dhawr shirkadood oo jaadka ka ganacsadaa diidaan.

Dhawrka  shirkadood ee diiday inay cashuurta ku waajibtay bixiyaan ayaa waxa ay ka wareegeen wadooyin kale oo aan ahayn wadooyinkii hore ee ay gaadiidkooda soo marin jireen, kuwaasi oo ay ka mid yihiin meelaha cusub ee ay dalka ka soo galiyaan Baligubadle iyo Caynabo.

Dhinaca kale Afar askari ayaa ku dhaawacmay rasaas ay gaadiidka jaadku ku fureen askar ka tirsan saldhiga magaalada Caynabo,  iyada oo markii ay dadka waday gaadiidka jaadka ee habaysnaa dhaawaceen askarta uu isku dayey in uu sarkaalkii goobtaasi haystay uu gaadhi ku baacsado, isla markaana uu isagu ku dhaawacmay gaadhiga uu ku baacsanayey oo shil baabuur galay.

Wasaaradda Maaliyada Somaliland ayaa ku fashilantay inay talaabo ka qaado shirkadaha diiday inay cashuurtan bixiyaan,  iyada oo arintani keeni karto haddii ay sii dabo dheeraato inay shirkadaha kale ee ogol qawaaniintan cusubna ay ka soo horjeedsadaan.

Comments are closed