Golaha Deegaanka Cusub ee Hargeysa Oo Maanta Xilkii kala Wareegay Golihii Deegaanka ee Hore.
Hargaysa Jan 05/12 (SDN)- Munaasibad ay xilka kula Kala wareegayaan Maayarka Cusub ee Caasimada Hargeysa Eng. Yuusuf Warsame Saciid iyo Maayarkii hore ee Hargeysa Eng. Xuseeen Maxamuud Jaciir ayaa hada ka socda Xarunta hay’ada shaqaalahada ee Hargeysa.
Munaasibada oo ay sidoo kalena xilka kula kala wareegayaan Golihii deegaanka hore ee Hargeysa iyo Golaha Deegaanka Cusub ee dhawaan la soo doortay ayaa waxa saaka ka soo qayb galay Masuuliyiin tiro badan oo ka tirsan Xukuumada Somaliland oo ay ka mid yihiin Wasiirada Wasaaradaha Arimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur, Diinta Iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo Cadaalada Xuseen Axmed Caydiid.
Munaasibada ayaa waxa sidoo kalena Goob joog ka ah Masuulyiin ka socday Xisbiyada Qaranka iyo shaqsiyaal caan ah oo reer Hargeysa ah iyo mayaradii hore ee soo maray Hargaysa mayarkii hore ee hargayasa ayaa ka hadlay wax qabadkii mudadii ay xilka hayeen isaga oo goobta ku warejiyey qalab iyo hanti ay la hayd dawlada hoose waxa kale goobta ka hadlay marti sharaf aad u badan wax laga filaya golaha deeganka ee cusub hawl adag iyo wax qabad.
Hargaysa Qurbojoog.com