Uganda oo Ciidamo cusub u direysa dalalka Jamhuuriyada Africada Dhexe iyo Soomaaliya
Brussels Jan 05 2013 (SDN)— Dowlada Uganda ayaa sheegtay inay dooneyso in ciidamo dheeraad ah u soo dirto qaar ka mid ah wadamada Africa sida Soomaaliya iyo wadanka Africada dhexe oo iminka ay dagaalo ay ka socdaan,sidaasi waxaa sheegay Henry Okello Oryem wasiirka qaranka iyo xariirka caalamiga ee dowlada Uganda.
Ciidamadan ay dowlada Uganda daaha ka rogtay inay ku kordhineyso ciidamada Nabad ilaalinta ee kala jooga wadamada Soomaaliya iyo Africada dhexe,ayaa waxa sharuud kaga dhigtay in hadii ay suurta gal noqoto Midowga Africa uu ka dalbado in ciidamo ay ku tabarucaan, si ay kaga qeyb qaataan xasilinta wadamada dhibaatada badan ay ka taagan yihiin ee Soomaaliya oo ay ka jiraan kooxo ka soo horjeeda dowlada Soomaaliya iyo mucaaradka dalka Africada dhexe oo maalmahii danbe isku sii fidinayay dhulal hor leh oo ay gacanta ku hayeen dowlada dalkaasi.
“hadii Midowga Africa uu nagu qasbo inaan ciidamo hor leh aan geyno Soomaaliya iyo Africada dhexe waan u direynaa,Uganda wax ay diideyso ama u jeedo ay leedahay malahan,waxaa naga go’an in aan la shaqeyno Midowga Africa inta karaan keen ah” ayuu yiri Henry Okello Oryem.
Henry Okello Oryem ayaa sheegay in xaalada dalka Africada faraha ay ka sii baxeyso oo mucaaradka ay ku sii fidayaan,si taasi looga hortagana uu sheegay inay wadaan qorshe ay ku doonayaan in ciidamada Nabad ilaalinta ay xoojiyaan.
Waxa uu sidoo kale sheegay in wadamada Soomaaliya iyo Africada dhexe oo horay ciidamo ugu joogeen,ay haatan damacsan yihiin in sanadkaan cusub ay kordhinayaan taageerada ay siinayaan dowladahan.
Uganda waxa ay ka mid tahay wadamada ciidamadeeda ku taageeray Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Ururka Al-shabaab.