Ciidamo Mareykan ah oo gaaray xadka Turkiga iyo Syria
Gaziantep Jan 05,2012(SDN)-Ciidamo ka socda dalka Mareykanka ayaa gaaray dalka Turkiga meel aan sidaa uga fogeyn xadka dalka Syria,sida ay daabacday jariirada Anadolu oo ku hadasha afka dawlada Turkiga.
Ciidamadan ayaa degaanka xadka geeyay gantaalada Patriotka loo yaqaan ee lidka ku ah madaafiicda ridada dheer.
Dawlada Syria ayaa kordhisay gantaalada ay ku gaaraacdo degaanada Turkiga ee xadka labada dal dhaca ka dib kolkii ciidamo NATO ka socda halkaa la geeyay.
Ciidamada Mareykanka oo ah uun qaar iyagu halkaa u tegay sidii ay iyagu u ridi lahaayeen gantaalada Patriatka aaaney tiradooda dhabta ahi cadeyn.
Dawlada Mareykanka ayaan ka hadal ciidamadooda gaaray Turkiga iyo ujeedada dhabta ah ee ay halkaa u joogeen.
Mareykanka ayaa ka meermeerayay faro gelin uu sameeyo dagaalka mudada labada sano ah ka socda dalka Syria.
Mareykanka iyo dalalka ay xulafada yihiin ayaa dhawaan waxa ay dawlada sharciga ah ee Syria u aqoonsadeen isbaheysiga mucaaridka Syria.
Qaramada Midoobeyna waxa dhawaan ay shaacisay in tirada dadka ku dhintay dagaalada Syria in ka badan 60 000 oo ruux.
SDN-Gaziantep
contact@somalidiasporanews.com