|

Qaybtii labaad ee Dhacdooyinkii uu Somaliland ku sagootiyay Sannadkii Galbaday ee 2012

Hargaysa 04,Jan (SDN)

Qaybta labaad ee dhacdooyinkii Somaliland ee Sannakii tagay ee 2012 uu ku sii sagootiyay Waxaynu ku Milicsan doonaa Hanaanka Geedi Socodka Doorashooyinka .

 28.04.2012 :Warlaliyihii weynaa ee Idaacada Radio Hargaysa oo dalka oo dhan wada gaadhaya ayaa laga soo dejiyay Dekada Magaalada Berbera ,Warlaliyahan ayaa awoodiisu tahay boqol Kilo Wat ,taas oo Mudo dheer loo dheg taagayay,isla markaana uu Xisbul Xaakimka Kulmiye ku galay balanqaadadii Xiligii uu ku jiray doorashadii Madaxtooyada.

 

18.10.2012: Munaasibad balaadhan oo lagu qabtay Xarunta Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Somaliland uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo uu si rasmi ah Xadhiga uga jaray Warlaliyahan oo Guud ahaan Somaliland,Dalalka Mandaqada iyo Meelo kale oo durugsanba markii u horaysay laga maqlay Codka Qaranka Somaliland

20/04/2012: Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka ayaa ku dhawaaqay 6 Urur Siyaasadeed ee ku Guulaystay inay ka qayb galaan doorashadii Golaha Deegaanka ee 28 bishii Novenbar ee 2012 ka qabsoontay Somaliland ,kuwaas oo kala ahaa Wadani,Xaqsoor,Rays,Umada,iyo Dalsanoo,Nasiye isla markaana ay ku hadheen 9 Urur oo ka mid ahaa kuwii is diiwaangashay ,hasa yeeshee buuxin waayay Shuruudaha ku cad Xeerka Nidaamka Furashada Ururada Siyaasada, kuwaas oo kala ahaa Udhis,Jamhuuriga ,NDB,Damal,Nuur,Badbaado,Horyaal, Gurmad iyo SSCD .

 

12.08.2012:Komiishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa u cayimay in 28ka bisha November 2012 ay dalka Somaliland Ka Qabsoonto Doorashadii Golayaasha Deegaanka oo ay ku tartamayaan Sagaal Urur Siyaasadeed,kuwaas oo u kala baxa 3dii Xisbi ee hore u jiray iyo 6dii Urur Siyaasadeed,taas oo uu Madaxweynaha J.S.Land digreeto ku dhaqan geliyay.

13/09/2012: Komiishanka Doorashooyinka,iyo todoba ka mid ah Ururada Siyaasada ayaa qalinka ku wada duugay Xeerka nidaamka iyo hab raaca doorashada golaha deegaanka “Code of Conduct”, Waxaana Qaadacay Xisbiga Udub iyo Urur Siyaasadeedka Nasiye..

Maxay Doorashadani kaga duwanayd tii Golayaasha Deegaanka ee Somaliland ka qabsoontay 15 bishii December 2002.

 

Waa marka hore waxay ahayd doorashadii Shanaad ee Somaliland ka qabsoonta Mudo Toban Sano ah,sidoo kale waxay ahayd Wareegii labaad ee Doorasho Gole Deegaan.

 

Doorashadii u horaysay ee Golaha Deegaanka ee Somaliland ka qabsoontay 15 bishii December.2002,oo ay ku tartamayeen 6 Urur Siyaasadeed waxay dadweynuhu u codaynayeen Urur,balse waxaa doorashadan loo codaynayay Murashax,Sidoo kale Astaanta doorashadii hore waxay ahayd caalaamada Ururka halka ay doorashadan ka ahayd Nombar u gaar ah Murashax kasta oo ka qayb qaadanayay doorashada Golayaasha deegaamada,Geesta kale hadii ay Doorashadii hore ee deegaanka ku tartamayeen Lix Urur Siyaasi waxaa tan ku Loolamayay Todoba Urur oo Isugu jiray Laba Xisbi iyo Shan Urur Siyaasi.

Dhinaca kale waxay ahayd doorashadii ay Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo qabato Mudadii ay hogaaminta qaranka haysay.Inkastoo ay abuurtay Buuq iyo Jahawareer .

 

28kii bishii November 2012= ayaa dadweynaha somaliland waxay u dareereen Goobaha Codbixinta ee doorashadii Golayaasha Deegaanka waxay ahayd doorashadii ugu adkayd ee ina soo marta mudadii tobanka sanadood ahayd ee aynu ku jirnay hanaanka dimuquraadiga ah iyo doorashooyinka Xorta ah Iyadoo Umadda Somaliland ay tan iyo markii ay dib ula soo noqotay Madaxbanaanideeda sanadkii 1991-kii ay la kulantay marxalado kala duwan oo adaygooda lahaa, dariiqa Nadaamka Dimuqraadiyadda ay u soo martayna uu culays badan lahaa, dalkana laga qabtay Doorashooyin kala duwan sida Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka ee 2002, Doorashooyinkii Golaha wakiilada 2005 iyo kuwii Madaxtooyada 2003 & 2010, qabsoomidoodiina ay keentay in beesha caalamku Somaliland ula dhaqanto qaab dawladeed.

Doorashooyinkii Golayaasha Deegaanku waxa ay qabsoontay iyadoo meeqaamkii Madaxbanaanida Somaliland wax weyni iska bedeleen oo tallaabo dheer hore loo qaaday oo beesha caalamku isla qaadatay in labadii Wadan ee midoobay sanadkii 1960-kii ay ka wada hadlaan mustaqbalkooda siyaasadeed.

 

Qabsoomidda doorashadani waxay ahayd  tijaabo adag oo ay Somaliland u martay gaadhista himiladeeda iyo hadafka ay tiigsanaynso,

 

Bulshada somaliland ayaa iyana muujiyay Qaangaadhnimo iyo inay kala saaraan in Afkaarta lagu kala duwanaado balse laga midaysan yahay adkaynta iyo himilada Qarankan.

 

Sidoo kale Labada Xisbi iyo Shanta Urur Siyaasadeed ee doorashada ka qayb galay oo ay ku lamaanaayeen 2653 Murashax ee ku tartamaya 379  Kursi oo ah 23-ka Degmo doorasho ee somaliland ayaa la yimid bisayl siyaasadeed,iyagoo meel iska dhigay Afartii Todobaad ee ugu adkaa ee soo maray ee uu mid kastaaba ku soo bandhigayay Cududiisa iyo barnaamijka ay dalka u wadaan hadii ay ku soo baxaan Sadexda Xisbi ee la siin doono Shahaadada ka turjumaysa in loo aqoonsado Sadexda Xisbi ee dalka ka jiri doona Mudada Tobanka Sanno ee soo socda. Aynu soo qaadano Qaabkii Xurmada lahaa ee ay Ururada iyo Xisbiyadu ku qaateen ololahoodii kalsooni raadineed.Jadwalka ay ku galeen Xisbiyada iyo Ururadu ay u kala horeeyeen Siddan:

29/10/2012 Ururka Ummada

 

30/10/2012 Xisbiga Ucid

 

31/10/2012 Xisbiga Kulmiye

 

1/11/2012   Ururka Dalsan

 

2/11/2012   Ururka Rays

 

3/11/2012   Ururka Wadani

 

4/11/2012   Ururka Xaqsoor

 

Gudida Doorashooyinka Qaranka  waxay haystaan kalsoonida dhamaan dhinacyada tartamaya maadaama la wada saxeexay heshiiskii ku saabsanaa hanaanka doorashadu u dhacayso iyo shuruudaha ay ku soo bixi doonaan Sadexda Xisbi qaran ee ku tartami doona Doorashooyinka dambe ee la qaban doono mudada Tobanka sano ah ee soo socota,inkasta oo Markii danbe ay soo baxeen tabashooyin ku aadan qaabka loo maamulay doorashada,isla markaana eeda ugu badan dusha looga tuuray Komiishanka Doorashooyinka Qaranka.

 

Xukuumada Somaliland ayaa bixisay kharashkii doorashada oo dhamaa $2,000,000 US Dollar ah oo u dhiganta 33%,iyadoo markii hore ay dawladu bixin jirtay 25%. Waxaa kale oo ay Ururada/Xisbiyada ka bixisay gaadiidkii ay ku qaadan lahaayeen muraaqibiinta oo kharashkoodu gaadhay illaa $150,000 US Dollar ah.

 

Waxaa markaas kadib hadana soo baxay kharash kale oo Komishinku uga baahdeen culays goobaha kaga soo kordhay,kaas oo dhamaa adduun dhan $100,000 US Dollar ah. Waxaa kale oo Xukuumadu iyadoo ka Mas’uula dhanka nabadgalyada ay diyaarisay ciidamadii amaanka ee dhamaan goobaha codbixinta, oo gaadhay illaa 6000 oo askari.

 

Arrinta kale ee in la Xuso u baahan ayaa waxay tahay in  markii u horaysay ay Magaalada Laascaanood doorasho Xor ahi ka qabsoontay isla markaana ay yeelatay  Gole deegaan,halka ay markii hore Xukuumadu u magacaabi jirtay Maayarka iyo Ku Xigeenkiisa.

 

Dhinaca kale Sida uu Jidaynayo Xeerka Doorashada Golayaasha Deegaanka iyo Madaxtooyada Gudoomiyayaasha Komiishanka ee Heer Degmo iyo Mid Gobol ayaa Shaaciya natiijada hor dhaca ah ee sida ay Murashixiinta iyo Ururadu ugu kala Guulaysteen Codbixintii Doorashada ,iyadoo Gobol iyo degmo weliba si gooni ah ugu dhawaaqday natiijadii Codbixinta iyo Murashixiinta ku guulaystay Kuraasida loo tartamayay.

 

 

03.12.2012. Shirkaa jaraa’id oo ay goobjoog ka ahaayeen xubnaha Kumishinka Doorashooyinka, hawlwadeeno ka kala socday ururada wadaniga ah ee dhinaca nabadgelyada iyo isku xidhka ayaa goobjoogayaashu waxay  ugu dhawaaqeen inay doorashadii golayaasha deegaanka Somaliland ay ku qabsoontay si nabadgelyo ah, waxayna sheegeen inay ku faraxsan yihiin sida ay tiro badan oo dadweyne ahi uga qayb qaateen iyo weliba sida ay dad dhalinyaro iyo haween ah oo ka badan kuwii doorashooyinkii hore isu soo sharaxeen, iyagoo kormeerayaashu mar kale sheegay inay warbixintooda kama dambaysta ah soo gudbin doonaan marka lagu dhawaaqo natiijada kama dambaysta ah.

 

Doorashadan oo ay ka qayb qaadanayeen labo Kun sadex boqol iyo Sideed iyo Lixdan musharax, una tartamayey sadex boqol iyo sagaal iyo todobaatan kursi oo Lixda gobol ee somaliland ah. Musharixiintaas oo ka kala socday todobo urur siyaasadeed.

 

Kormeerayaasha caalamiga ahi waxay ku amaaneen gudida doorashooyinka qaranka, sida ay ugu dhabar adaygeen hawshaas iyo sida ay wada shaqaynta ula sameeyeen dhinacyadii dusha kala socday doorashada oo ay ka mid yahiin kormeeayaasha laftoodu. kuwaas oo cadeeyay in dhamaan Goobihii ay doorashadu ka qabsoontay ee ay soo mareen ay hawshu si fiican uga socotay,isla markaana ay yarayd ayay yidhaahdeen dhibaatada iyagoo baaxada hawshaas ku amaanay Shacabka,Xukuumada,Ururada Siyaasada,Xisbiyada,Komiishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Hawl wadeenadooda Ciidamada Amaanka oo si qurux badan u hawl galay .

 

Goob Joogayaashu waxay Cadeeyeen in arrinta ugu weyn ee ay indhahooda ku arkeen ahayd dadka oo mar wax ka badan Codaynayay, iyo Khadkii farta laga marinayay oo khafiif ahaa taasoo qofku si dhib yar isaga  masaxayay,iyo inay Codaynayeen meelaha qaar dad aan gaadhin da’adii Codbixinta ,Waxay Kormeerayaasha Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ahiba u soo jeediyeen Daneeyayaasha Doorashooyinka iyo Nidaamka Geedi socodka Dimuquraadiyada Somaliland inay ka hawl galaan sidii doorashooyinka soos socda loo soo gelin lahaa Hanaankii Diiwaangelinta oo Xal u ahaa Khaladaadkii dhacay.

 

Waa Dhab in hawl kasta oo la galaa ay yeelan karto Dhaliil,Doorashadii Golayaasha Deegaanka kuma aynaan gelin wax diiwaangelin ah sidaa awgeed waa mid la filayay laguna xisaabtamay in dadka qaar ay halkii Cod ee ay Xaqa u lahaayeen ,wax ka badan inay ku noqnoqdeen,hasa yeeshee looma nisbayn karo in doorashadu ay ahayd mid Khaldan waxaase Muran la’aan ah inay ahayd mid ay ka midaysnaayeen daneeyayaasha Doorashada oo ah Xisbiyada Iyo Ururada Siyaasada iyo Weliba Musharixiintii ka qayb qaadanaysay Doorashadan.

Dhinaca kale marka la eego Doorashadii Deegaanka ee Somaliland ka qabsoontay dabayaaqadii bishii November ayaa waxaa aan la qarin Karin Galdaloolo badan oo ay lahayd haday noqoto Shaacin Murashixiin ay Komiishanku Sheegeen inay ku soo baxeen doorashadaas gaar ahaan Caasimada oo maalmo kadibna ay mar kale sheegeen in khalad ku jiray oo ay dibu sixid ku sameeyeen,uu isbedelay Magac Murashax ay natiijadii hordhaca ahayd ku sheegeen inuu soo baxay oo hadana mid kale bedelay.

 

26.12.2012= Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka ayaa ku dhawaaqay Sadexda Xisbi ee ku Guulaystay Doorashadii Golayaasha Deegaanka isla markaana ku Loolami doona Doorashooyinka dalka ka dhici doona Mudada Tobanka Sanno ee Soo Socda kuwaas oo kala ah Xisbiyada Kulmiye,Ucid iyo Wadani.

Afhayeenka Gudidan Mudane Xasan Axmed Ducaale “Xasan Macallin” ayaa Go’aankaasi kaga dhawaaqay Madal Ilyartu is qabatay oo lagu qabtay Huteel Maansoor ee Magaalada Hargaysa Isla markaana Shahaadooyinkii Jiritaanka Sadexdaas Xisbi lagu Gudoonsiiyay Hogaankooda.

                                              

La Soco Qayb kale oo ka Mid ah Dhacdooyinkii Sanadkii Tagay ee 2012 ee Somaliland .

Yuusuf Maxamed Ismaaciil

Hargaysa SDN

Comments are closed