|

Dhacdooyinkii uu Somaliland ku sagootiyay Sannadkii Galbaday ee 2012

Hargaysa 04.Jan. (SDN) Sannad Waliba Hoodiyo Hawl iyo dhibaatiyo Wuxuu Hadimo leeyahay Waa laga helaayo Hadhoow lagu Xasuustaa,Kii noo Hagaagee Noqo loo hanweyn yahay.

 

Sannadka Galbaday ee 2012, Waxa uu Somaliland ugu Suntan yahay isla markaana uu Koobsaday Guulo badan oo qarankani  gaadhnay,Waa Sannad ay Dublamaasiyada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Somaliland la lahayd Adduunka ay wax badani iska badaleen,Waxaana Qadiyada aynu u halgamayno ee ah sidii ay Jamhuuriyada Somaliland uga heli lahayd Caalamka intiisa kale Garawshiiyo iyo Xaqa ay Ummada Geyigani ku nooli u leedahay in lagu garab galo waxa ay qabsatay ay wax weyni ka qabsoomeen,waxaana arrimahaas badhi taaray hanaanka Siyaasadeed ee ku dhisan Talo wadaaga ee Xukuumada Somaliland ay ku shaqaysay isla markaana Maddal kasta oo danta Qarankan iyo Jiritaankiisu galo loo tagayay iyadoo la isku duuban yahay Mucaarrid iyo Muxaafid taas oo Sawir ka soo baxay uu ahaa in la inoo arkay dal iyo dad ka Midaysan ka Midho dhalinta danaha Guud ee Qaran ahaan aynu higsanayo,sidoo kalena adhax jab ku ahayd inta neceb horumarka iyo dhismaha Somaliland .

Dhacdooyinka kale ee Sanadka 2012 uu ku sii sagootiyay Somaliland waxaa ka mid ahayd qabsoomida Doorashadii Golayaasha Deegaanka si loo helo Golayaal Cusub oo codka rabitaanka bulshada ku yimid isla markaana bedela kuwii ka horeeyay oo Mudo Toban Sanno ah soo hayay Maamulida Magaalooyinka iyo Degmooyinka dalka,waxay tani sabab u noqonaysaa in la helo dhiig Cusub oo dardargaliya Qorshayaasha Magaalooyinka,kuwaas oo ka soo baxay Xisbiyo iyo Ururadii ka qayb qaatay Tartankii doorashada Golayaasha Deegaanka.

Waxaa kale oo Sannadkii galbaday ee 2012,uu inoogu xardhan yahay isbedel ku yimid ka qayb galayaasha doorashadii Golayaasha Deegaanka,kadib markii Sadexdii Xisbi Qaran ee ku loolami jiray Doorashooyinkii kala duwanaa ee Somaliland ka qabsoomay sida Madaxtooyada,iyo Wakiilada ay ku soo biireen Ururo Siyaasadeed oo furitaankoodu ka danbeeyay balanqaadkii uu sameeyay Xisbiga Kulmiye Xiligii uu ku jiray Tartankii Doorashada Madaxtooyada ee 2010-kii isla markaana uu ku kasbaday Kalsoonida Shacabka oo ahayd inay u hawl galayaan sidii loo furi lahaa Ururo Siyaasadeed oo ka qayb gala Saaxada Doorashada Golayaasha Deegaanka si waafaqsan Sharciga dalka u degsan,Xisbiga Kulmiye ee ay ka dhalatay Xukuumada talada haysa kamuu weecaan balanqaadkaas waxaanu ku dhiiraday inuu tartan Xor ah la gallo Xisbiyadii hore u jiray iyo Ururadii Isdiiwaangashay isagoo go’aansaday inuu ka calaf qaado doorashada la galay,inkastoo Madaxda Siyaasada ee Somaliland iyo Qaybo bulshada ka mid ahiba ay aaminsan yihiin in Xisbiga Kulmiye uu adeegsaday awood dawleed oo saamaxday inuu Xisbiyada iyo Ururadii kaleba kaga cod batay Gobolada dalka.

Hadaba waxaan Akhristayaasha Shabakada SDN,halkan ugu soo Gudbinaynaa Lafo Gur aynu ku Milicsanayno dhacdooyinkii Somaliland uu ku sii galbiyay Sanadka 2012,inagoo ka eegi doona sida ay u kala saamaynta weynaayeen.

 

14/01/2012: Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Labada gole Qaran ee Sharci dejinta “Guurtida iyo Wakiilada” waxa uu ka hor jeediyay Khudbad Sanadeedkii Distooriga ah,taas oo Xambaarsanayd Wixii u Qabsoomay Xukuumada,Waxa aan u hirgalin iyo Barnaamijka ay raacayso sannadka 2012ka.

 

31/01/2012: Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarka ee Dawlada Denmark Chiristiano Firiij Biij, ayaa Booqasho ku yimid Caasimada Somaliland ee Hargaysa isla markaana balanqaaday in dawladiisu ay hab ka duwan sidii hore ula macaamili doonto S.land,Xafiis farsamana ay ka furteen Magaalada Hargaysa.

Chiristiono oo Warfidiyeenada la hadlay markii uu dhamaaday kulan uu la qaatay Madaxweynaha Somaliland ayaa yidhi “Waxaanu halkan u nimid inaanu muujino qadarintayda ku aadan horumarka ay Somaliland ka samaysay dhismaha Nabada,Dimuquraadiyada, Gobol aan Xasiloonayn,Sidaa daraadeed waxa aanu halkan u joognaa ayuu yidhi inaanu sii Xoojino Iskaashiga iyo Wada Shaqaynta aanu la leenahay Xukuumada iyo dadka Somaliland, Waxaanu taas u samayn doonaa inaan ku deeqno Iskaashigayaga dhinaca Horumarka iyo Inaanu ka furano Xafiis Farsamo oo Wada Shaqayneed dalka Somaliland”  Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarka ee Dawlada Denmark,Waxa uu intaas ku daray inay ka wada hadleen Madaxweynaha Somaliland dhinacyada Dimuquraadiyada,Maamul Wanaaga,adkaynta nabadgalyada,Xuquuqul Aadamaha iyo arrimo kale.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Sheegay in dawlada Denmark ay door wax ku ool ah ka qaadato kobcinta dimuquraadiyada iyo Xidhiidhka ka Dhexeeya labada wadan.

 

05/02/2012: Fadhi wada jir ah oo ay yeesheen labada gole ee Baarlamanka Somaliland waxay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen in Xukuumada oo Metelaysa Dadkeeda iyo Qarankeeda ay ka qayb gasho Shirkii lagu qabtay magaalada London 23 bishii February ee Sannadka 2012, Shirkaas oo ay soo  qabanqaabisay dawlada Ingiriisku kana qayb galeen ku dhawaad Lixdan dawladood oo caalamka ah oo ay Somaliland ku jirto.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro oo Fadhigaas aan Caadiga ahayn ee labada Gole ee Sharci dejinta Shir Gudoominayay ayaa ku dhawaaqay in labada Gole si buuxda isugu raaceen in Xukuumadu ka qayb gasho Shirkii London ee Arrimaha Somalia isla markaana xusay in Wax ka bedel lagu sameeyay  Xeer ay hore u ansixiyeen Golaha Sharci dejinta Somaliland ,kaas oo nuxurkiisu ahaa inay Khiyaamo qaran tahay in Qof u dhashay Somaliland uu ka qayb galo Shirarka loo qabanayo Kooxaha ku loolama Saaxada Siyaasada Somalia ..

23/02/2012: Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo iyo Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo oo ka kooban Xukuumada,Golayaasha Qaranka iyo Xisbiyada Siyaasada ayaa ka qayb galay Shirkii qaban qaabadiisa Ingiriisku lahaa ee lagaga hadlayay arrimaha dalka Somalia.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Weftigiisa waxaa loo qaabilay hab maamuus dawleed oo dhamaystiran iyadoo Madashii Shirkaasna loo ogolaaday inuu Khudbad ka waramaysa Xoriyadii ay Somaliland ka hanatay 26 June 1960,Midnimadii ay la gashay Somalia-dii ka hoos baxday gacantii Gumaystihii Talyaaniga,halgankii dhiiga badani ku daatay ee dibu xoraynta wadanka,hub ka dhigistii,nabadayntii,dhismaha maamul dawladeed,horumarka iyo hanaanka dimuquraadiyadeed ee Somaliland ka hirgalay uu halkaas ka jeediyay isla markaana Cadeeday in Xuduuduhu ay yihiin kuwii uu Gumaysigu ka tagay iyo sida ay Somaliland diyaarka ugu tahay inay Waayo aragnimadeeda ku wajahan  arrimaha dibu heshiisiinta  ee ay u Ooman yihiin dalka Somalia ay ula diyaar tahay..

 

War Murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Caalamiga ahaa ee Arrimaha Somalia ee London ayaa waxaa Qodobkiisa 6aad si weyn loogu xardhay in Somaliland iyo Somalia ay ka wada hadlaan Xidhiidhkooda. Mustaqbalku nooca uu noqonayo iyadoo loo xil saaray Gudi ka hawl gasha sidii labada dal isugu iman lahaayeen wada hadalo dhex mara.

 

20/06/2012: Waxaa markii u horaysay taariikhda tan iyo markii somaliland madax banaanideeda la soo noqotay isu hor fadhiistay oo yeeshay Kulan foolka fool ah Laba Wefti oo ka kala socday Somaliland iyo Somalia isla markaana sii ambo qaaday Qodobkii 6aad ee baaqii Shirkii London ee 23kii bishii february .

20.06.2012 furitaanka Shirkaasi Waxay ahayd laba dharaarood oo si weyn looga dhursugayay, waxa uu dhali doono shirkan ugubka ah ee ay isku hor-fadhiisteen Somaliland iyo Somalia markii u horeysay rubuc qarni ku dhowaad. Waxay odarasayeen sida uu u saamayn qaranimadooda qiimaha culus iyo halganka adag ka dhashay ee ay ku tanaadeen muddo dheer oo uu qiiqayay dalka Soomaaliya ee ay baarashuudka ka goosteen burburkiisii waxaanay aaminsan yihiin in madax-banaanidoodii ay kala soo noqdeen uu ahaa mid qaraar-san oo EEBE ku ilhaamiyay ammin sammaddu furnayd.

Shirkaas wada xaajoodka ahaa oo ku qabsoomay Guriga uu ku nasto Wasiirka Arrimaha dibadda Britain Mr. William Hugue oo la yidhaahdo Chevering House oo ku yaala duleedka London wuxuu ahaa mid laga dar-daar werinayay midhihiisa oo dad badan oo si dhow ula socday qabeen inuu dhicisoobi doono daqiiqadaha ugu horeeyaba marka laga qiyaas qaato mawaafiqda kala durugsan ee labadda dhinac. Haddana waxa uu u dhacay jawi degan oo bilow ay u riyaaqeen marti-geliyeyaashii iyo labadii dhinacba.

Madaxdii labada dhinac kala hogaaminaysay ayaa markii Labada Cisho ee Kulanku dhamaaday waxay ka soo saareen 8 Qodob oo tilmaamaya sida loo sii wadayo wada hadaladan labada wadan u bilaabmay

 (Akhrinta War Murtiyeedka Shirkaas Laga Soo saaray Markii uu dhamaaday ,kaas oo  u dhignaa Sidan.

1. In wada shaqayni ay dhex marto Somaliland iyo Somalia, iyada oo laga duulaayo shirarkii Londoniyo Turkiga.

2. In wada shaqayn yeeshaan labada dawladood Somaliland Iyo Somaaliya iyo dawladda badali doonta TFG

3. In labada Madaxweyne ay kulan deg deg ah yeeshan oo isu yimadaan kuna kulmaan  sadexda dal ee Imaaraadka carabta, Qatar iyo Swizerland midkood.

4. In labada dhinac ay samaystaan guddi farsamo oo sii anba qaada wada hadalada.

5. In caalamku ka shaqeeyo gargaarka labada waddan, waa Somaliland iyo dawladda ku meel gaadhka ah.

6. Inay ka wada shaqeeyaan la dagaalanka aragixisada, budhcad badeedda iyo arrimaha amniga

  1. In la fudeydiyo isku socodka dhinaca xuduudaha ah mustaqbalka dhaw.

 

  1. In khubaro dhanka qaanuunka, dhaqaalaha iyo ammaanka u yeedhaan labada dhinacba.

 

 

 

  28/06/2012: Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo Dhigiisii hore ee dalka Somalia Sh,Shariif Sh.Axmed ayaa kulan qayb ka ah dhiirigelinta Wada hadalada labada wadan waxay ku yeesheen Magaalada Dubia isla markaana qalinka ku wada duugeen War Murtiyeed nuxurkiisu ahaa in la sii wado wada hadaladii u bilaabamay labada wadan si xidhiidhkooda mustaqbalka ay meel isula dhigaan, waxa ay ku yeesheen Magaalada Dubai  ,Waxaa Safarkaas Taariikhiga ah Madaxweynaha ku wehelinayay Gudoomiyeyaasha Xisbiyada Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ,Ucid Inj Faysal Cali Waraabe iyo Xisbigii Udub Daahir Rayaale Kaahin,isla markaana  ahaa Madaxweynihii

hore ee Somaliland .

 

Waxaa Guul ahayd in Somaliland ay ku guulaysatay in mudo 22 sano ah oo ay jirtay ay ku talaabsatay arrimo taariikhi ah sida dhismaha Maamul dawladeed,kala danbayn, nidaam dimuquraadiyadeed iyo dhamaanba astaamihii dal looga baahnaa inuu yeesho, oo cago adag ku taagan waxa sidaa loo sameeyayna waa mid ku qotonta xaqiijinta hanka iyo himilada ummada.

 

Xukuumada haatan talada haysa oo ku timid rabitaanka shacabku iyadoo ka duulaysa rumaynta yoolka aynu beegsanayno waxay dariiq cusub u jeexday hanaan dublamaasiyadeed oo dalalka adduunka lagaga raaridayo aqoonsiga Somaliland dadaaladaasi waxay keeneen in Somaliland ay kaga qayb gasho shirkii ay dhawr iyo kontonka dawladood ka soo qayb galeen ee magaalada London lagu qabtay 23 bishii Feberwery ee Sannadka 2012,ka lagagana hadlayay arrimaha Somalia in loogu casuumo iyadoo ka duwan Somalia waxaa shirkaas ka soo baxay war murtiyeed uu qodobkiisa 6aad sheegayo in Somaliland iyo Somalia ay ka wada hadlaan xidhiidhkkooda Mustaqbalku sida uu noqonayo,wada xaajoodkasi si loo sii ambo qaado waxa wejigii ku xigay lagu qabtay Magaalada Istan bul waxaa labadaas shirba lagaga hadlay in la taageero oo la taakuleeyo wada-hadallo dhex mara labada dhinac ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Ku-meel-gaadhka ah ama ciddii Bedesha.. Wada-hadalladaas waxa looga gol lahaa in laga caawiyo sidii ay u qeexi lahaayeen xidhiidhada ay mustaqbalka yeelanayaan..

 

Tafaasiil iyo Sharax ku Wajahan Faa’iidada Shirkaasi u lahaa Somaliland.

 

Somaliland waxa shirkan ugu jira maslaxado badan oo kuwaasi oo lagu bayaamiyay 8-dii qodob ee war-murtiyeedkii laga soo saaray xambaarsanaa. Waxa laga xusi karaa in markii u horeysay beesha caalamku garwaaqsatay in Somaliland iyo Soomaaliya u wada hadlaan sidii laba qaran oo siman. Taasi oo ah horu-socod ka tujumaya hano-qaadka siyaasadda wasaaradda dibadda iyo gedi-socodka aqoonsi raadinta Somaliland.

 

Qobadda kale ee Somaliland ka faa’iiday waxa ka mid ah oo baaqii shirka ka soo baxayna meel sare kaga suntanaa in kaalmooyinka qaadhaan-bixiyeyaashu ay siiyaan wixii la isku odhan jiray Somalia ay Somaliland uga soo jaraan qaybtoodda, taasi oo ka mid ah himilooyinka qaran ee xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo diiradda ku haysay.

Waxa kale oo shirkan ergadii ka socotay dawladdii hore ee Ku meel gaadhka Somalia ee TFG-da Soomaaliya ay ku dhici waayeen inay la gole-yimaadaan dood-riyadoodkooda la xidhiidha inay Somaliland u haystaan maamul-goboleed ka caasiyoobay maamulkoodda maqaar-saarka ah. Waxaanay ku dhici waayeen inay miiska keenaan inay ka hadlaan madax-banaanidda Somaliland markii ay arkeen miisaanka gudidda Somaliland matalaysay oo runtii ka miisaan weynaa xilalkii ay kala xambaarsanaayeen tobankii xubnood ee labadda dhinac matalayay.

 

Sidaas waxaan uga jeedaa Ergadda Soomaaliya waxay ahaayeen laba Wasiir, Safiir iyo laba Mudane oo ka tirsan baarlamaanka TFG-da, halka Somaliland ay ka socdeen Guddoomiye xisbi qaran, Guddoomiye Baarlamaan iyo sadex Wasiir oo wasaaraddo shilis jooga. Martigeliyeyaashuna waxay qabeen in Somaliland ay si ficil ah ugu soo diyaar-garowday shirkaas oo ahaa mid gogol-xaadh ah .

Marka la qiimeeyo deg-degsiimadii Gudida loo magacaabay iyo masuuliyiinta isku dhafan ee shirka loo soo dirayba.

 

Waxa kale oo danaha siyaasadeed ee Somaliland uga soo baxay shirkan ka mid ah in dunidu si ili ma qabatay ah ay Soomaaliya ugu dirqido inay iimaansadaan madax-banaanidda Somaliland oo ay caalamku u arko mid waaqici ah oo aan indhaha laga dadbi Karin.

 

Kulankan wajigiisii ku xigay Sida aan soo Tilmaanay wuxuu  ahaa mid heer madaxweyne ah, arrinta iyana u baahan in la xuso ayaa ahayd in Madaxweynaha Somaliland ay shirkaas ku wehelinayeen Gudoomiyaha Xisbiga Udub ama Madaxweynihii hore ee Somaliland Md,Daahir Rayaale Kaahin,Gudoomiyaha Xisbul Xaakimka Kulmiye Md.Muuse Biixi Cabdi ,Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax,Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada

Waxa kale oo Gudidan ay ku sifeeyeen Geesiyaal qaran oo hadheeyay ergadii dhigooda ahayd ee ay is hor-fadhiisteen.

 

Madaxweynaha  Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sh,Axmed waxay qalinka ku  wada duugeen War murtiyeed Nuxur ahaan u dhignaa in labada Madaxeyne ay  dhiirigelinayaan sii ambo qaadista wada hadalada bilawga,

Sidoo kale Gudoomiyayaasha Xisbiyada Qaranka iyo Hogaanka Golaha Wakiilada ee Madaxweynaha Socdaalkaas ku Wehelinayay ayaa ka Waramay Faa’iidada ka dhalan karta Wada hadalada hada uun u bilaabmay labada Dal ee Somaliland iyo Somalia .

La Soco Qayb kale oo ka Mid ah Dhacdooyinka uu Somaliland ee Sannadkii Tagay ee 2012ka.

Yuusuf Maxamed Ismaaciil

Hargaysa SDN.

 

Comments are closed