Soomaaliya oo ku howlan in ay hesho dhaqaalaha dowladda uga xayiran wadamada dibadda
Nairobi Jan 04 2013 (SDN)— Dowladda Soomaaliya ayaa ka shaqeyneysa qoshe ay dib ugu soo ceshaneyso dhaqaalaha ku xayiran Wamada iyo hay’addaha shisheeye tan iyo 1991dii markaasi oo ay burburtay dowladiii dhexe ee Soomaaliya.
Safiirka Soomaaliya u fadhigaya Kenya Maxamed Cali Nur Ameriko ayaa u sheegay wargeyska Nation in aysan jiri doonin hanti dowladda Soomaaliyeed ay leedahay oo ku sii xayir naan doonta Bangiyada shisheeye sida uu dalka u dhigay.
Maxamed Cali aya sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay dib u heli doonto agabyadeedii ganacsi oo ay hada hayaan dowladdo shisheeye sida diyaaradaha, Maraakiibta iyo dhismayaasha safaaradaha.
Sida laga soo xigtay barta warbaahinta qaar Wasiirada Arrimaha dibadda Soomaaliya oo maalmihii danbe socdaal ku joogtay wadamada caalamka ayaa la filayaa in ay booqato wadamada Imaaradka iyo Talyaniga.
Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay in wadamada ay booqato ay kala hadli doonto sidii xayiraada loga qaadi lahaa Maalaayinta doolarka ah ee ku xayiran Bangiyadaasi.
Waxa ay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay dalban doonto in dib loogu soo celiyo gacanteeda lacagaha ay hayaan Mas’uuliyiinta dowladda Swiss, oo dhaqaalahaasi lacageed hayay tan iyo markii ay burburtay dowladdii Soomaaliyaha.
Sidoo kale Fowsiyo waxa ay sheegtay in wadamada Germany, Italy iyo Yemen laga doonayo in ay dib u soo celiyaan Maraakiib iyo diyaarado dowladda Soomaaliya ay laheyd sida ay hadalka u dhigtay.
SDN-Nairobi