|

Kabtanka Chelsea Terry oo Dhaawac Ka Soo Kabanla Malaha waa Tii uu Kaga Shubi Lahaa.

London-Jan-04-2013-qurbejoognews.com-Saaxiibayaal qormadeena ciyaaraha waxaynu maanta ku eegeynaa Kabtankii hore ee xulka Ingiriiska ahna Kabtanka kooxda calankeedu sii dhacayo ee Chelsea John Terry oo dhaawac ka soo kabanla.

Haddaba Tababaraha naadiga Chelsea Rafa Benitez ayaa ka dhawaajiyey inuuna wax fikrad ah ka haysanin wakhtiga uu Terry ka kaban doono dhaawacaa soo gaadhey.

Kabtankii hore ee Ingiriiska ayaan garoomada lagu arag ilaa sannadkii hore 2012-kii bishii November oo soo gaadhey dhaawacan markii ciyaar dhexmareysey kooxdiisa iyo Liverpool oo ku dhamaatey -1-1-

Johan Terry oo la filayey inuu soo noqdo bishii Dec-8-dii ayaa waxaa hakiyey tababarkii uu kooxdiisa la sameynayey,taana waxaa sababey xanuunkii dhaawaca oo aan bogsoonin.

Akhyaartay Chelsea oo wareegii saddexaad ee FA CUP barbardhac la noqotey Southampton Sabtidii aynu soo dhaafney,tababare Benitez wuxuu saxaafadda u sheegey Arbacadii mar uu booqdey Terry inuu bilaabi doono tabarka.

Asxaabtay ereyadan badan ee ay isweydaarsanayan Terry iyo tababarihiisa ee ku saabsan soo noqoshadiisa,ayaa waxaa cirka ku laaley dhakhtarka oo ka dhawaajiyey inaana la saadaalinkarin wakhtiga uu Terry ku soo laaban doono garoomada.

John Terry sheekadu kuma eeka laakiin waxaa Cup Of Nation u baqooley John Obi Mikel iyo Victor Moses.

W/ Qorey Jaahuur

qurbejoognews.com

jjahuur@hotmail.com

Comments are closed