|

Maamulka Kismaayo: Maqabaneyno Dacwdo la xiriira muran dhanka dhulka ah

Kismaayo Jan 04 2013 (SDN)— Iyadoo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ay ka taagan tahay muran iyo is qabqabsi u dhexee Bulashada wada degta halkaasi ayaa arintaasi waxaa ka hadlay maamulka Magaaladaasi.

Axmerd Maxamed Maxamuud Sayid Carab oo ka mid ah maamulka KMG ah ee ka jira magaalada Kismaayo ee xarunya gobolka Jubbada Hoose ayaa wuxuu ka hadlay isqab qabsiga la xiriira dhulka oo maal mihii ka jiray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Waxa uu mas,uulkani ka tirsan maamulka KMG ah ee ka jira magaalada kismaayo sheegay inay qaadi doonin dacwadaha dhulaka oo soo batay maamlmihii ugu dambeeyay.

Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta u ah gobolka Jubbada Hoose kusoo badanayay is qab qabsiga la xiriira dhanka dhulalka oo muranno badan ay ka dhasheen.

Magaalada Kismaayo ayaa kol hore waxaa la wareegay ciidmada dowlada Soomaaliya iyo ururka Raaskambooni taageerana ka helay ciidanada Kenya ee qaybta ka ah ciidamada AMISOM.

SDN-Kismaayo

Comments are closed