Al Shabaab iyo mucaradka dalka Uganda oo siwada jir ah Ciidamo qorasho uga wada dalkaasi
Kampala Jan 04 2013 (SDN)— Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in Kooxda falaagada ah ee Allied Democratic Forces (ADF) ee ka dagaalanta dalka Uganda ay ku sii fideyso wadamada Bariga Africa.
Sida laga soo xigtay warbixintan Faalagada ADF ee Uganda ayaa xiriir wada shaqeyn la leh Xarakada Al Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya taasi oo si furan ula shaqeysa Ururka Al Qaacidda.
Xarkada Al Shabaab ayaa ah Koox dagaal adag kala soo horjeeda dowladda Soomaaliya ee ay tageeraan Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa.
Ciidamada booliska dalka Uganda ayaa Isniintii waxa ay soo saareen digniin ay ku sheegayaan in ay heleen warbixin sirdoon oo ku aadan in kooxda ADF ay qorsheynayso weeraro argagixiso oo ay qaadaan waqtiga ciidanada Kismiska ee loo dabaaldagayay sanadka cusub.
Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganada Janaraal Aronda Nyakairima ayaa bartamihii Bishii la soo dhaafay sheegay in Falaagada ADF ay dib isku abaabulayaan islamarkaana ay ka kooban yihiin 600-oo dagaalyahay si aad ahna u hubeysan.
Waxa uu sidoo kale Janaraal Aronda Nyakairima uu tilmaamay in dagaalyahanada kooxda falaagada ah ee ADF ay qabsadeen goobo u dhaw Eringeti oo qiyaastii 90km u jirta xadka Ugada ay la wadaagto Jamhuuriyada Demoqoradiga ah ee Congo.
Mr. Aronda ayaa daboolka ka qaaday in saraakisha sarsare ee dowlada Uganda ay isku raaceen in Falaagada ADF ay howlo dagaalyahan qorasho ah ay ka wado degaano dhawr ah oo kuyaalla dalkaasi.
Kampala-SDN