MSF oo mar kale sheegtay in xaalada qaxootiga Soomaalida ah ee Kenya ay ka dareyso hadii qul-qulka uu sii socdo
Nairobi Jan 04 2013 (SDN)— Hay’adda gar-gaarka caalamiga ah ee MSF ayaa sheegtay in caafimaadka kumanaan qaxooti Soomaali ay Qatar gali karto hadii magaalooyin laga soo kaxeeya Magaalooyinka, islamarkaana lagu qasbo in iska xaadiriyaan Xiryaha qaxootiyad ee Kenya.
Hay’adda Dhaqaatiirta aan Xuduuda la heyn MSF ayaa ku sheegtay war ay soo saaratay in qaxootiga ku sugan Dhadhaab ay aad u badanyihiin islamarkaan ay xiradu buux dhaaftay.
MSF ayaa sheegtay in xaalada ka jirta Dhadhaab ay tahay mid aa du daran taasi oo aan si fudud wax looga qaban Karin hadii aan dadka farabaha badan ee ku sugan xiradaasi lakala yareen.
Horaantii Bishan dowlada Kenya ayaa go’aansatay in dhamaan qaxootiga iyo kuwa magan galyo doonka ah ay dib ugu laabtaan xiryaha qaxootiyada,waxaana taasi ay keentay in dad badan ay ka niyad jabaan joogitaanka Kenya.
Kenya ayaa talaabadan qaadatay markii dalkeeda ay ka dhaceen qaraxyo iyo falal kale kuwaasi oo ay ku eedeeyeen in ay ku lugleeyihiin qaxootiga Soomaalida ah maadaama ay Soomaaliya ka dagaalanto Xarakada Al Shabaab oo Kenya dagaal uu kala dhaxeeyo.
SDN-Nairobi