Hugo Chavez, Madaxweynaha Venezuela oo oo xaaladiisa laga deyrinayo
Caracas Jan 04 2013 (SDN)— Madaxweynaha dalka Venezuela Hugo Chavez, ayaa lugu soo warmayaa in xaaladiisa caafimaad ay ka sii dareyso kaddib markii qaliin looga daaweynayay Kansar loogu sameeyay dalka Cuba.
Wasiirka Warfaafinta dowladda Venezuela Ernesto Villegas oo ku sugan Magaalada Caracas ayaa u sheegay warfidiyeenka in Madaxweynaha xaaladiisa aysan wanaagsaneyn waxana uu tilmaamay in dhibaatoyin dhanka caafimaadka ah ay Madaxweynaha la soo darseyn qaliinka kaddib.
Mr Chavez, Madaxweynaha Venezuela oo 58-sano jir ah ayaa lagu sameeyay qaliinkiisii 4aad oo looga sameeyay Kansarka waxana dhamaan qaliimadaasi ay ka dhaceen dalka ay saaxibada yihiin ee Cuba.
Madaxweynaha dalka Venezuela ayaa lagu waday in bishan 10-keeda loo dhaariyo Xilka Madaxtinimo ee dalkaasi, madaama markele dhawaan dib loo doortay.
Dad badan oo ku sugan dalka Venezuela ayaa shaki uu uga jiraa in Madaxweyne Hugo Chavez uu nool yahay iyo inkale sababtuna waxa ay tahay Madaxweynaha muddo laguma arkin goobaha fagaarayaasha ah ee dadka uu kula hadli jiray.
SDN-Caracas