Heague iyo Fowsiyo Yuusuf oo isku raacay in Ingiriiska lagu qabto shir looga hadlayo Isbadalada Somaliya
London Jan 03 2013 (SDN)- Wasiirada Arimaha Dibadda Soomaaliya iyo Ingiriiska ayaa waxa ay kulan ku yeesheen Magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska.
Wiliam Heague Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska iyo Dhigiisa Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa kawada hadlay arrimo badan oo ku aadan xiriirka labad dal, waxaana uu Mr. Heague sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu la kulmo dhigiisa Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska oo ugu horeyn ka hadalay shir saxaafadeed ay labad mas’uul siwada jir ah u qabteen ayaa waxa uu sheegay in dowladda Ingiriiska ay ka go’antahay taageerida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Wiliam Heague ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda Ingiriiska ay aad u daneynayso arrimaha Soomaaliya waxana uu ku cadeeyay safarkii uu ku tagay sanadkii hore dalka Soomaaliya.
Labada Mas’uul Wiliam Heague iyo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa kulankooda waxaa ka soo baxay in Ingiriisku uu marti galiyo shir looga hadlayo Isbadalada Soomaaliya ee waqtigan kaasi oo dhici doono Bisha May ee sanadkan.
Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa iyadana dhankeeda sheegtay in dowlada Ingiriiska ay isla ogolaadeen in ay sii wado taageerada ay siiso Soomaaliya si looga gudbo dhibaatooyin hada horyaala dowlada Cusub.
Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale carabka ku dhufatay in Madaxweynaha socdaaladiisu bateen ee Xasan Sheekh Maxamuud uu safar ku tagi doono dalka Ingiriiska.
SDN-London