|

Komishanka doorashooyinku wuxuu muujiyey maamulxumo baahdey oo ay ka marag kacayaan go’aannada aan laga fiirsan ee ay ka soo saarayeen natiijooyinkii doorashada, Khudbadii Gudoomiye Cirro ka jeediyay Dabaal dega Xisbiga Wadani ka akhri halkan

Hargaysa 03.Jan.(SDN) Gudoomiyaha Xisbiga Wadani isla markaana ah Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro ayaa Khudbad dhinacyo badan taabanaysa waxa uu maanta ka jeediyay Dabaal dega Xisbigiisu ku weynaynayay ka Mid noqoshada Sadexda Xisbi qaran ee dalku Yeeshay Mudada Tobanka Sano ah ee soo Socda.

Hadaba Waxaan halkan Idiinku soo Gudbinaynaa Khudbadii Uu Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ka Jeediyay huteelka Maansoor taas oo u dhignayd Sidan:-

 

Bismilaahi raxmaani raxiim wa salalaahu calaa sayidinaa Muxumed wacaala aalihi wa saxbihii ajamiciin

Allaahumma Maalikal Mulki, Tu’til Mulka Man Tashaa, Wa Tanzicul Mulka Mimman Tashaa, Wa Tu Cizu Man Tashaa, Wa Tu Dillu Man Tashaa Biyadikal Khayr, Innaka Calaa Kulli Shay’in Qadiir

Illaahay ayaa Guusha bixiya. Waa Hibo Illaahay bixiyo, qofna kartidiisa kaliya kuma heli karo, Qofna qasab kuma heli karo, Cid aan Illaahay ahayn oo guusha iyo madaxtinimada bixisaa ma jirto.

•           Mudanayaal iyo Marwooyin; marti sharafta qiimaha leh, xildhibaannada labada gole, Culimada, Salaaddinta iyo ganacsatada,  hoggaanka xisbiyada Qaranka, madaxda urur siyaasadeed,  xildhibaannada golyaasha deegaanka,  dhammaan taagerayaasha iyo xubnaha xisbiga waddani, dhallinyarada iyo haweenka, Qurbajooga WADDANI, mudanayaal iyo marwooyin, waxaa sharaf iyo farxad noo ah inaad  nagala soo qayb gasheen xuska guusha Xisbiga Waddani, oo aan mar kale isugu nimaadno madashan qiimaha leh iyo munaasibaddan taariikhiga ah, waxaanan dhammaantiin idinku Salaamayaa salaanta Islaamka.

•           Marka hore waxaan u mahad naqayaa ebbe

•           Marka labaad, waxaan u duceynaynaa laba nin oo inagu qaali ahaa oo geeriyooday intii halganka ku jiray. Alla u naxariisto Cabdilahii Siciid Dheere , Gudoomiye ku Xigeenkii 3aad ee WADDANI iyo Sacad AXmed cabdilaahi , Gudoomiyihii degmeda saylac ee WADDANI.

•           Maanta oo ay taariikhdu tahay 03 Jannaayo waxaynu munaasabaddan sharafta iyo qiimaha leh ugu dabaaldegaynaa guusha hanashada xisbinimo ee Waddani iyo walqasha Xisbiga.  Waxaanan sannadkaa cusub Ilaahey ka baryayaa inuu innooga dhigo sannad bawaaqo, nabadgelyo buuxda iyo horumar xambaarsan.

•           Guusha xisbiga waddani ka soo hooyey  doorashadu waa guul Ilaahey mahadi ha ka gaadhee ay soo hooyeen, dhammaan musharixiintii iska sharaxay WADDANI iyo taageerayaashoodii, hawlwadennada xisbiga, madaxdiisa, xubnaha iyo dhammaan shacbi weynaha taageerada weyn siiyey xisbiga WADDANI.

•           Ma’aha mid ku timid guusha waddani cod rooxaani, waa codkii aad idinku siiseen WADDANI ee dhamaa  164 339 cod. Codkan waxa lahaa dhamaan mudanyyasha iska sharaxay WADDANI ee dhamaan Degmooyinka doorasho ee JSL iyo taagerayaashooda kuwaas oo kala ahaa Saylac, Lughayaha, Baki, Borama, Gabiley, Hargeusa, Balligubadle, salaxlay, Berbera, Sheekh, Buhoodle, Burco, Odweyne,  Caynaba, xudun, Las caanood, Ceel Afweyn, Gar adag, Ceerigaabo.

 

Walaalalyaal,  waxaad ku bixiseen wakhtigiinna, maalkiinnaa iyo codkiinnaba  teegarada Waddani taas oo ka turjumaysa himilada iyo rabitaanka  ummadda Soomaliland. Waxaan si gaar u xusayaa musharixiinta aan soo bixin oon leeyahay waa guuleysateen maadamaa codkiina ku soo saarteen Xisbiga WADDANI iyo xildhibaanada Golayaasha ee u soo baxay WADDANI.

Waxan u mahadnaqayaa muwaadin kasta oo WADDANI cod siiyey. Muwaadin kasta oo taageero dhaqaale siiyey, muwaadin kasta oo gacan siiyey WADDANI. Waa guul la wada leeyahay waa gush shacbi.

•           Mudanayaal iyo Marwooyin; munaasibada maalintan qaaliga ah waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan shacbiweynaha reer Somaliland dibad iyo gudo meelkasta oo  ay joogaan, taageerayaasha iyo xubnaha xisbiga WADDANI  iyo shacabka Soomaaliland guud ahaan.

1.         WADDANI

Waxaan habalyeynayaa labada xisbi qaran ee soo baxay ee kala ah KULMIYE iyo  UCID.

Waxaan mahadnaq iyo bogaadin u dirayaa madaxdii iyo taagerayaashii urarada aan aan soo bixin, waa dadaasheen laakiin intii eebe qoray ayuunbaa soo baxday, WAADANI waxa uu gacmo furan iyo qalbi furan ku soo dhaweynayaa  madaxdii iyo taageryaashii aan ururadoodu soo bixin.

WADDANI waa Xisbi Qaran. Waa Xisbi mucaarid ah. Xukuumadda kama mid ah. Xisbul xaakiman ka mid ah. Waa xisbi  Mucaarid oo waxa dhisaya . Waa xisbi si cad u tilmaamaya dhaliisha xukuumadda JSL isaga oo ujedadiisu tahay sixitaan iyo toosin.  Waxaanu soo bandhigi doonaa siyaasad mucaaridnimon oo dalka iyo dadka dantooda ka turjumaysa. Waxaan   halkan fariin u marinayaa siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka Somaliland In WADDANI yahay platformkii ay dalkeenna ku toosin lahayn, aan ku soo bandhi lahayn wixii xukuumadeenna  ka khaldan si loo saxo, halkan isugu keen keen.

Waxaa waxlala yaabo ah on Xisbi mucaaridka ah ee UCID  cadeeyaan inaanay mucaarid ku ahayn Xukuumadda iyo xisbul xaakimka. Waxay mucaarid ku yihiin WADDANI oo la rabay inay mataanoobaan oo iskaashaan. Waanu ku soo soconaa inaan xukunka qabano ee laakiin weli maanu qaban ee yara suga ayaan leenahay waad degdegaysaan.

1.         Iftiimin

Waxaad moodaa in madaxda xisbiayada soo baxay qaarkood xisinimada oo ugu baahnaayeen laba arrimood oo keliya

•           Inay helaan mikarafoon ay ka caytamaan

•           Inay helaan shadaad xisbinimo oo toban sano ah keliya

Waxaan jeclahay inaan shacbiga u iftiimiyo arrimahan:

Dastuurka Jamhuuriyadda ma ku jiraan xilal uu tilmaamay inaan la isku qaban Karin?

Ha, qaranku waa saddex waaxood sharci dejinta, xukuumadda iyo garsoorka , waxaan dastuurki tilmaamay kala madax banaaninooda. Tusaale, haddii xubin baarlamaanka ah loo magacaabo wasiir waa inay xilka iska casishaa, waxaan ugu dambeeyey wasiirka daakhiliga iyo wasiirka Maaliyadda oon hadda ka mid ahayn.

Gudoomiyaha Golaha wakiiladu ma noqon karaa Gudoomiye urur ama Xisbi?

Dastuurka iyo  xeerarka JSL Somaliland midna ma diidayo.

Gudoomiye  Faysal ayaa sanad ka baadhayey arrintaas dastuurka iyo xeerarka waanu ka soo waayey. Wuxuu ula tgey Kulmiye. Waxa uu ula tegey uradii siyaasadda. Waxay ku yidhaahdeen arrinta wax diidaya ma hayno. Malaha hadda wuxuu ka baadhayaa arrintaas dastuurka cusub ee PUNTLAND.

Markuu ku xiiqay waxa uu baahday cid ka nasisa. Wuxuuu soo helay Jamaal. Jamaal abtigay hore ayaan ula taliyey waxaan idhi qori nin kale cabeeyey keeba ha qaban.Qorigii ninka kale cabeeyey  keebkii ayuu qabtay. Laakiin maantana talo kale ayaan siinayaa.

Sisilada xaydha  la yidhaa niman isku deegaan ahaa ayaa isu gabyey. Nin aan ka mid ahayn kooxda isu gabyeysaa oo la yidhaa Guuleed Xawaashe ayaa soo galay silsiladii. Dabeed nin kooxdaas ka mid ahaa oon jeclaysan in Guleed xiiqa soo galo ayaa tix yar ku yidhi Guleed  gaboobana maxaa geliyey xiiqdiisa.

Anniga iyo faysal maalintiina waan isu gabaynaa , habeenkkinna waan isu gudnaa ee adigu halkii Guleed Xaashe ha gelin.

Tusaale kale

Faysal 2003  wuxuu noqday musharax Madaxweyne ee UCID

Faysal 2010 mar kale ayuu noqday musharax madaxweyne ee UCID

Waxa uu labada jeer la galay doorashada Dahhir Riyaale kaahin oo ahaa

Madaxweynaha JSL AHNA Gudoomiyaha UDUB AHNA musharax Madaxweyne ee UDUB sanqadh iyo hadal midna lagama maqal

Tolow manta ma qaylisiiyey?

Waxaan leeyahay baqdinta badan iska daayoo  hadaad laba jeer Madaxweyne la tartantay   hal mar Gudoomiye baarlamaan waa la tartami kartaa.

Weliba labada oday (Faysal iyo Jamaal)  waxaan u sheegayaa inaan manta laga bilaabo AH kalena ku darsaday oo ay noqon doonto AHNA AHNA.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada AHNA

Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI  AHNA

Musharaxa Madaxweynaha WADDANI

Labada oday waxaan kula talinayaa in gartaan cidda  la rabo inay mucaard ku noqdaan

Labada oday ha  iska dhaafan inay dhagxaan gurtaan oo dadka shidaan iyaga oo guryahooda quraarad ka sameysan yihiin.

Waxaan intaas ku darayaa madaxda UCID may qaadan dardaarankii Eng maxamed Xaashi ee ahaa inay ixtiraamaan dastuurka iyo shuruucda dalka.

Sida ku cad qod 12 Faq 1 iyo 2aad ee xeer Lr 14/2011 muwaadina laba jeer ka badan ma noqon Madaxweyne ama Gudoomiye Xisbi. Gudoomiye faysal wuxuu markii saddexaad ku fadhiistay kuna fadhiyaa Gudoomiyaha UCID taas oo si cad u jabinaysaa xeerkaas dhaqan galka ah.

Guddida Diwaan gelinta ururada waxay sheegtay in xisbiyada ku hubin doonaan ku dhaqanka xeerarka, bal arrintaas  dib ha eegaan.

1.         NABADGELIYADDA;

•           Mudanayaal iyo Marwooyin; sideynu wada ognahey nabaddu waa gogasha dadkeena iyo gundhigga qarannimadeenna Waa hantida wadareed ee ummaddeenna ka dhaxeysa ee Ilaahay ku  mannaystay shacabka Somaliland. Sidaa darteed dhammaanteen axsaab, shacab iyo dawladba waxey innooga  baahantahey in aynu wadajir u ilaashano.

•           In kasta oo ay qabashada Doorashada golayaahsa  deegaanka guul u ahayd Somaliland, hadana waxa soo ifbaxay khalaadaad badan kuwaas oo  wiiqdey kalsoonidii shacabka, nidaamkii iyo haybaddii dawladnimo waxeyna halis geliyeen nabadgeliyadeenii iyo wada jirkii ummadeenna.

•           Xisibiga Waddani wuxuu  u arkaa in halistaasi ka dhalatey doorashooyinka ay masuuliyaddeeda koowaad leeyihiin Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Xukuumadda JSL.

•           Komishanka doorashooyinku wuxuu muujiyey  maamulxumo baahdey oo ay ka marag kacayaan go’aannada aan laga fiirsan ee ay ka soo saarayeen natiijooyinkii doorashada, taasi oo ka noqoshadoodiina ay abuurtey xasilooni daro .

•           Waxa kale  soo baxay cabashooyin ah in  xukuumadda Somaliland  fara gelisay doorashooyinkii goloyaasha deegaanka iyo u madax bannaanida  dhismaha maamulkooda ay ka dhasheen loolan qaybiyey shacabkeenna.

•           Maamul xumada Komishanka iyo faragelinta  xukuumaddu waxa ka dhashay  gadood iyo mudaharaadyo keentey dhimasho iyo dhaawac, walwal badanna gelisay nabadgelyada guud ee dalka

•           Mudanayaal iyo marwooyin  aniga oo afkii Xisbiga Waddani ku  hadlaaya, waxaan tacsi u diraynaa eheladii iyo asxaabtii dadkii ku dhintay mudaaharaadiyadii shacabka inuu naxaariistii janno ugu deeqo eheladooddiina samir iyo iimaan ka siiyo. Waxaan sidoo kale Ilaahey uga baryeynaa dadkii ku dhaawacmayna inuu siiyo caafimaad taam ah oo degdeg ah.

•           Mar labaadka, haddii aanu Waddani nahay dadweyne iyo xukuumadba waxaanu leenahay nabadda aan wada dhowro.

 “Meel wada hadal u baahan warmo looma qaato”. Dhaqankeenna wanaagsan ayey ka mid tahey inaan wada xaajoodka iyo sharciga ku xallinno dhibaato kasta. Dhinac aan uga soo wada jeesanno waxkasta oo dhaawacaya amnigeenna guud. Xukuumaddana waxaan usoo jeedineynaa iney si xilkasnimo iyo masuuliyadi ku dheehantahey u ilaaliso nabadgelyada, midnimada, horumarka iyo himilada ummadda,  sharafta qarannimo iyo xuquuqda shacabkeeda.

1.         SIYAASADDA GUDAHA;

•           Mudanayaal iyo Marwooyin; Soomaaliland waxey  kaga soo badbaaddey duruufo adag, magac iyo maamuusna ku yeelatey  talowadaag, isku tanaasul iyo iney qaadatey hannaanka dimoqraadiyada ee ku dhisan axsaabta si aan uga gudubno nidaam beeleedkii.

•           Maadaama aan dooranay golayaal deegaan oo shacbigu soo doortay, waa inaan In la daadejiyo maamulka heer degmo awoodna loo siiyo golayaasha deegaanku katalinta horumarka iyo adeegga ay u hayaan shacabka

•           In la tayeeyo garsoorka dalka si ay gutaan waajibkooda ilaalinta caddaaladaa.

•           In la  kobciyo lana tayeeyo adeegga bulshada sida caafimaaka iyo waxbarashada.

1.         SIYAASADDA DIBEDDA;

•           Mudanayaal iyo marwooyin; Xisbiga Waddani wuxuu aamminsanyahey in Siyaasadda Arrimaha Dibedda ay tiir dhexaad u tahey kor-u-qaadista sumcadda iyo meeqaamka qaranka JSL ku dhex leeyahay bulshada caalamka oo ku qotoma iskaashi, is  tixgalin, sinaan iyo isfara-galin la’aan.

•           Xukuumadda Somaliland waxa looga baahan yahay inay u iba bixiso siyaasaddda arrimaha JSL, kuna hagto siyaasad cad oo fog inay abuurto wax shaki gelin kara shacbiga, wadadhadalda Somalia iyo Somalilandna waan in tiir dhexaad u nqotaa gooni isu taagga iyo Madax banaanida JSL.

.

•           Xisbiga Waddani waxaa ka go’an, dhowrista madaxbannaanida, raadinta himiladda ummadda iyo kor u qaadidda kaalinta ay kaga jirto caallamka, xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga dawladaha jaarka.

•           Xisbiga Waddani wuxuu si hagar la,aan diyaar ugu yahay ka talo bixinta geeddi socodka hannaanka dawladnimo, iyo baahida loo qabo tayeynta mu’asasaadka xukuumadda oo sidaan aragno saldhig u ah horumarka siyaasadda, dimuqraadiyadda, dhaqaalaha, ahna muraayadda laga dheehan karo kartida iyo dhismaha hay’daha dawladda oo horseedi karta kalsoonida shacabka iyo taageerada beesha caalamaka ee qaddiyadda Soomaliland..

1.         DHAQAALAHA;

•           Mudanayaal iyo Marwooyin; Dhaqaaluhu waa hal-bawlaha Qaranimada, waana lafdhabarta nolosha bulshada iyo tiirararka dawladnimo ka ugu muhiimsan. Inkastoo uu ganacsiga xorta ahi kordhey haddana waxaa muuqata in nidaamkii lagu maamuli lahaa dhaqaaluhu curyaan yahey. Wax soo saarkii dalkeenna iyo nolosha deegaankeennii miyiguba way sii gudhayaan, faqriga iyo baahida ka dhalatey waa mid guri kasta ku soo hoyaneysa oo aynu wada arkeyno.

•           Weli ma jiro nidaam maalgashi bangiyo, hanaan maamul lacageed oo hufan, taasi oo curyaamisey dhaqdhaqaaqii kobcin lahaa wax soorka gudaha, cuntada iyo warshadaha fudud, oo hawlgelin lahaa xoogga soo koraya dhallinayardeenna wax baratey. “Ciddaan hanannin  quut keedu, qarannimo ma hantido”

•           Waxaa maalin kasta sii kordhaya sicir bararka daruuriyaadkii nolosha oo ka dhashey qiimaha dollarka iyo lacagaha qalaad ee aan is taageyn keeneteyna ineysan danyarteennii 70% wax iibsan karin, sicir bararka joogtada ah waxaa weheliya shaqo la’aanta baahsan ee aan ka yarayn 65%, dhibaatada qaadka ee kartidii, iyo hantidii ummaddaba lumiyey.

•           Haddii aanu nahay Xisbiga Waddqani waxanu soo jeedinaynaa:

•           Ø In si degdeg ah loo abuuro habkii maamulka lacagta iyo baananka

•           Ø In lacagta qaadka inagaga baxda loo helo wax lagu bedelo oo laga iibiyo dalalka qaadka innoo soo dhoofiya.

•           Ø In la dhiirrigeliyo maalgashiga gudaha ee ganacsatadeenna iyo midka shisheeyaba.

Ugu Danbeyn Xisbiga Waddani waa madal  ay ku kulmeen aqoonyahankii dalka, culimadii ummadda, iyo waxgaradkii bulshada, madax dhaqameed, dhallinyaro iyo haweenba  wuxuuna hiigsanayaa isagoo ka duulaya mabaadii’diisa waddaninimo, kaashanaya taageerada hagar la’aanta ah ee shacabkiisa. ‘inuu horseedo ummaddiisa guulo taariikhda gala isla markaana xaqiijiyo:

qaran madax-banaan oo sharaf iyo karaamo ku naalooda, shacbigiisuna xor ka yahay jahli, faqri iyo qabyaalad kala qoqobta;

qaran ku qotoma  nidaam dimoqraadi ah (talo-wadaag) oo waafaqsan diinta Islaamka, dhaqanka iyo hiddaha aynu leenahay;

 qaran midaysan oo ku dhisan wadaniyad, sinnaan iyo cadaalad”

Hargaysa SDN

 

Comments are closed