|

Mas’uul Kenyan ah oo ku eedeeyay Amnidarada dalkooda ka jirta Ciidamo Soomaali ah

Garissa Jan 03 2013 (SDN)— Isagoo u waramayay Wargeyska The Daily Nation gudoomiyaha degmada Gaarisa Maxamed Macallin ayaa ku eedeysay askar horey uga tirsaneyd ciidanka dowladdii Federaalka KMG ahayd ee Soomaaliya inay ka dambeeyaan weerarrada iyo ammaan darrada ka jirta magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Guddoomiyaha degmada Gaarisa Maxamed Macallin ayaa ku eedeeyay dhallinyaro Soomaali Kenyan ah oo ka goostay ciidankii dowladdii KMG ahayd inay ka dambeeyaan falalkii amaandari ee ka soo cusboonaaday magaalooyinka muhiimka ah ee dalka Kenya,gaar ahaan magaalada Gaarisa.

Gudoomiyaha Degmada Gaarisa Maxamed Macallin ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada uu ku eedeeyay in ay ka danbeeyaan falalka amaandari ee Kenya, ay tababar ku qaadeen gudaha dalka Kenya,kuwaasi oo la doonayay in ay qeyb ka noqdaan dagaalada dalka Soomaaliya lagula jiro Ururka Al-shabaab,islamarkaan uu sheegay Gudoomiyaha inay Baalmareen.

Waxa uu sidoo kale Gudoomiyaha sheegay in marka laga soo tago ka qeyb qaadashada dagaalka Soomaaliya ay dib ugu laabteen Kenya halkaasina ay ka bilaabeen dhibaateynta amaanka dalka Kenya,waxuuna si gaar ah uu u xusay in amaandarida ka jirta Magaalada Gaarisa ay iyagu ka danbeeyaan.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in gudoomiyaha Gaarisa uu tilmaamay in ay socdaan dadaalo la doonayo in dadkaasi gacanta lagu soo dhigo.

Siddeed ka tirsan booliska Kenya iyo Saddex askari oo ka tirsan milateriga ayaa lagu dilay magaalada Gaarisa dabayaaqadii sanadkii hore.

Comments are closed