Mid ka mida rag ku jiray gacanta Burcad Badeed mudo sadex sano ah oo ka waramay dhibaatadii ay ku jireen
Swat Jan 03,2013(SDN)-Mid ka mida ragii dhawaanta la sii daayay ee la socday markab Burcad badeed Soomaali ahi afduubtay sanadii 2010kii ayaa gaaray dalkiisii Hooyo ee Bakistaan kana warbixiyay sidii Burcadu ula dhaqantay.
Gul Bacha ayaa sheegay mudadii ay ku jireen gacanta Burcada in ay aheyd mudadii ugu muragada badneyd noloshiisa.
“Maalin waliba awaxa ay aheyd cadaab,oo waa la ina gaaraaci jiray,raashin iyo biyona la inama siin Jirin”auu yiri Gul oo u waramayay ehel iyo qaraabo faro badan.
Gul ayaa sidoo kale sheegay in aan wax mushara ah la siin mudo dhawr bilood ah oo ka horeysay qabashadooda.
Gul waxa uu si ba’an u eedeeyay shirkada leh Markabka MV Iceberg oo uu sheegay in ay joojisay in ay la xaajooto Burcada.
“marnaba is maal leheyn nolo ayaad qoyskaaga ku arki doontaa,waxaana iigu dareyd kolkii aad ay Burcadu dhegaha ka goysay mid ka mida shaqaalihii markabka “ayuu yiri.
Markabka MV Iceberg ayaa waxa uu ahaa kii Burcadu heysatay mudadii ugu dheereed ebid.
SDN-Swat
contact@somalidiasporanews.com