|

Wasiirka Wershadaha iyo Weftigii uu hogaaminayay oo soo gaadhay Magaalada Boorama,Kadib Markii ay Socon Weyday Waan Waan ay ku joogeen degmada Saylac.

Hargaysa 02.Jan. (SDN)

Weftigii uu hogaaminayay Wasiirka Wasaarada Wershadaha ee Somaliland Mudane C.risaaq Cali Cismaan oo Maalmihii u danbeeyay booqasho hawleed ku joogaay Degmada Saylac ayaa soo gaadhay Magaalada Boorama .

Xubnaha  weftigu soo mareen Deegaamada Caasha Cado,Ceel Gaal,Geerisa iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Salal,halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay iyagoo warbixino ka dhagaystay duqayda iyo Waxgaradka ku nool Jiidaha ay kormeerka ku soo mareen.

Wasiirka Wasiirka Wershadaha Mudane C.risaaq Cali Cismaan oo la hadlayay bulshada ku dhaqan deegaanka Caasho Cado iyo Ceel Gaal ayaa tilmaamay sida ay waajibka u tahay in dhinac looga soo wada jeedo wax kasta oo saamayn ku yeelan kara Nabadgalyada Gobolada Awdal iyo Selel,Wasiirka Wershaduhu waxa uu dadweynaha ku booriyay inay u midoobaan horumarinta Goboladooda.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayaa sheegay in loo baahan yahay in gacmaha la isu qabsado xoojinta wada dhalashada bulshada ku dhaqan deegaamada labadaas gobol.

Sidoo kale Xubno isugu jira  Xildhibaanada Golaha Guurtida iyo Wakiilada oo Weftiga Wasiirka ka mid ahaa ayaa iyana dhinacooda ka waramay hawlgalkii shaqo ee ay intii mudo ahaydba u joogeen degmada Saylac,iyagoo sheegay inaanay jirin wax dhibaato ah oo ka taagan degmadaasi.

Weftigan ayaa ku Guuldaraystay inay Xubnaha Beeshooda ee ku soo baxay Doorashadii Golaha Deegaanka ee Degmada Saylac ay ku Qanciyaan sidii ay u ilaalin lahaayeen Saami Qaybsiga Maamulka Degmadaas oo ka kooban Todoba iyo Toban Xildhibaan,kuwaas oo Toban ka mid ah ay ka soo jeedaan Beesha Samaroon iyo Todoba Mudane oo ka soo jeeda Beesha Ciise,iyadoo ay Maalintii Shalay Mar kale fadhi ay yeesheen Golaha Deegaanka ee Degmada Saylac ay ku doorteen Maayar iyo Maayar ku Xigeen ka soo jeeda beesha Gobolka Awdal.

Hargaysa SDN

Comments are closed