Madaxweynaha Somaliland oo ku booqday askartii ku dhaawacantay Shilkii baabuur Cisbitaalka iyo Madaxweyne ku xigeenka oo ka qayb galay Aas balaadhan oo loo sameeyay intii ku dhaawacantay Shilkaas
Hargaysa 02.Jan (SDN)
Madaxweynaha Jamhuriyada S/land Mud, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa maanta Cisbitaalka Guud ee Hargeysa ku booqday Askartii ka tirsanayd ciidanka Booliska ee maalintii shalay ku dhaawac-may shilkii Gaadhi eek a dhacay Degaanka Hallaye ee Bariga Magaalada hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu soo maray Waadhadhka la dhigay Askartaasi dhaawaca ah ,waxaanuu halkaasi war-bixin kaga dhegaystay Agaasimaha cisbitaaka Guud ee Caasimada Hargeysa Dr,Axmed Cumar Askar,kaasi oo sheegay in dhakhaatiirta cisbitaalku ay si hagar la’aan ah ugu gurmadeen ee dhaawacaas, haatana ay gacanta ku hayaan daaweyntooda, kuwaasi oo uu sheegay in dhaawacood uu yahay mid sah-lan.
Madaxweynuhu Waxa uu dhaawacaa askarta Booliska ilaahay uga baryey inuu caafimaad deg deg ah siiyo, waxaanuu shacabka Somaliland ka tacsiyadeeyay Askartii iyo dadkii shacabka ahaa eek u dhintay shilkaasi gaadhi.
Booqashadaasi ka dib waxa uu socod lug ah ku tegay xarunta madaxtooyada S/land, halkaasi oo intii uu madaxweynuhu u sii socday Madaxtiooyadabna ay dadweynuhu u gacan haadinayeen .
Dhanka kalena Madaxweyneku xigeenka JSLand Mud, C/raxmaan C/llahi ismaaciil –Saylici-, ayaa isna maanta ka qayb galay Aas qaran oo lioo sameeyey Saddexdii Askari ee ka tirsanaa ciidanka Booliska eek u geeriyooday shilkii gaadhi ee shalay ka dhacay degaanka Hallaye ee bariga magaalada Hargeys, aaskaasi oo ka dhacay Xabaalaha NAASA Hablood. Waxaanuu tacsi u diray qoysaskii, shacabka somalilabnd ee ay Ka baxeen Marxuumiintaasi.isaga oo ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo.
Wasiirka Arimaha Gudaha Mud,Maxamed Nuur Caraale,oo aaskaasi ka qayb galay ayaa sheegay,in askartani ay ka soo noqdeen waajib qaran oo ay u tageen gobolka Sool,iyada oo ciidankii bedelayna ay si nabad gelyo ah u gaadheen Magaalada Laas-caanood.
Waxa kale oo Wasiirku xusay in ciidanka Boolisku uu mar kasta heegan u yahay sugidda nabad-gelyada ,, waxaanuu Ayaan darro ku tilmaamay in dadka qaarkii ay ku hagar-daameeyaan hawshooda. Waxaanuu shacabka u soo jeediyey inay ciidanka Booliska is-garabtaagaan ku taageeraan shaqada qaran ee ay bulshada u hayaan.
Aaska waxa ka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Golayaasha dawladda, iyo dadwetyne tiro badan.
Hargaysa SDN