Wasiirka Gaashaandhigga iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhbo, Bay
Baydhabo Jan 02 2013 (SDN)— Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay ayaa waxaa gaaray Wafdi balaraan oo uu hogaaminayo Wasiirka gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya.
Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo ah Wasiirka gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa si habsimi leh garoonka diyaaradaha Baydhabo ugu soo dhaweeyay maamulka gobolka Bay iyadoo siweyn amaankana loo adkeeyay.
Wasiirka ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda kulan uu la qaato saraakiisha ciidamada dowlada ee ku sugan magaalada Baydhaba iyo waxgaradka degmada, iyadoo hadaba la soo sheegayo in kulamo uu la qaatay saraakiisha Ammaanka.
Wafdiga uu hogaaminayo wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya waxaa qeyb ka ahaa Taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya, Xidhobaan Xaabsade, Xildhibaan Afaraale iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowlada.
Socdaalka wafdigan ayaa ah mid ay ugu kuurgalayaan xaalada ay ku shaqeeyaan ciidamada dowladda ee ku sugan gobolkaasi iyo sidii ay u bilaabi lahaayeen bixinta mushaarka ciidanka.
Wasiirka Gaashaandhiga ayaa horay waxaa uu u booqday gobolada badan oo ay Ciidamad dowladda iyo kuwa AMISOM ka qabsadeen Xarakada Al Shabaab waxana socdaalkiisu uu dhiira galin u yaahay Ciidamada dalka Soomaaliya.
SDN-Baydhabo