|

Maxkamad ku taalla dalka Itoobiya oo danbiyo ku heshay rag ka tirsan Al Shabaab

Addis Ababa Jan 02 2013 (SDN)— Sida ay bogeeda hore ay ku baahisay Wakaalada wararka ee AP,Maxkamad ku taalo dalka Itoobiya ayaa danbiyo lala xariirinayo argagixisinimo oo ah in weeraro ay ka geysan rabeen dalkaasi Itoobiya ay ku heshay ilaa iyo 10 Qof oo ay sheegeen in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab ee Al-qaa’ida xariirka la leh.

Qaadiga Maxkamada xukumeysa dhalinyaradaani looga shakisan yahay in ka tirsan Al-shabaab Bahiru Darecha ayaa galinkii danbe ee shalay waxa uu shaaca ka qaaday in dadkaan la qabtay qorsheynayeen in weeraro ay ku qaadaan ama ay bartilmaameedsadaan goobaha ilaha dhaqaalaha u ah dalka itoobiya.

Qaadiga ayaa sidii kale waxa uu tilmaamay in 10 qof lagu helay danbiga lala xariirinayo argagixisinimada ay halka uu sheegay in hal qof kale lagu waayay danbiga islamarkaana Maxkamada ay fasaxday in la siidaayo.isagoona intaasi ku sii daray in 6 ka tirsan eedeeysanayaashaan ay la xukumay iyagoo maqan.

Waaxda danbi baarista dalka Itoobiya waxrbixin ay soo saartay waxa ay ku sheegeen dadka la soo qabtay ee la xariirinayo in al-shabaab ay ka tirsan yihiin sida ay sheegeen,waxa ay ukala dhasheen shaqsi ka soo jeedo dhalasho ahaan dalka Itoobiya,kaasi oo la sheegay in uu la soo shaqeeyay Ururka Al-shabaab,islamarkaan uu hogaaminayay dadkaan gacanta lagu dhigay.

Hayeeshee arintaan ayaa ku soo aadaya,iyadoo ciidamada Itoobiya ay ku sugan Soomaaliya,dagaalna kula jira Ururka Al-shabaab.

SDN-Addis Abab

Comments are closed