|

Guddoomiye Tarsan: Musuq maasuq waan in la ciribtiro hadii larabo in dowladu shaqeyso

Muqdisho Jan 02 2013 (SDN)— Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in musuqmaasuqa uu yahay wax xun islamarkaana loo baahan yahay in gabi ahaanba la ciribtiro.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay gabi ahaanba meesha ka saarto wax la yiraahdo musuqmaasuqa.

Wuxuu sheegay in musuqmaasuqa uu burburiyo nidaamka Dowladdnimo,balse hadii uu jiro musuqmaasuqa Dowladdaasi aysan shaqeynin.

“Waxaan rabnaa inuu aad uyaraado musuqmaasuqa islamarkaana meesha lagu ilaawo si taasi loo sameeyana waxaa loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay ka qeyb qaataan dib udhiska dalka Soomaaliya”Sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha Gobalka Banaadir.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib udhiska dalka Soomaaliya iyo Dowladdnimada.

Soomaaliya ayaa lagu tirayaa dalalka caalamka ugu musuqmaasuqa badan marka loo eego musuqmaasuqa ka jira Soomaaliya.

Comments are closed