Maanso:jawaabtii heestii cabdi-qaboojiye ee jawaabtii abwaan ilko-jiir
Waa gabay jawaab u ah fanaanka reeroobay ee lagu magacaabo cabdi qaboojiye ee sida indho la,aanta ah u difaacaya adeerkii siilaanyo
Dalkii wada saqiiryoo
Sumcadii halowdoo
Gabalkii socdaaliyo
Subaxii yimaadaba
Goboladan sokeeyiyo
Saaxil iyo ber bera iyo
Salal iyo hargeisiyo
Kolay tahay sanaag bari
Ama sool agteedii
Sas baa laga dareemoo
Siigaa asqaysoo
Sawaxan baa baxaayoo
Cadaaladi saqiirtoo
Sinaantii muquuratay
Cadceed samada joogtana
Sacabadu ma qariyaan
Siilaanyo waa oday
Wax kastuu sameeyona
Siyaasadiisa gaar ka ah
Ilaa bari samaadkii
Sabadiisa gaarkiyo
Nin socdaal lagalayoo
Halgankii la la socday iyo
Saaxiibkii rumaadiyo
Boobaa sifeeyoo
Sadarada ku qorayoo
Su,aal kale mataalee
Raggii aan sugaayiyo
Haduu seexday weedh-same
Anaa sarakacaayee
Waadigan siraatee
Suntii soo hunqaacee
Qabyaaladi ku sidatee
La saloogan reernimo
Dhiigii samada tegay
Saldhigaagii qarannimo
Burush-baad ku saydhoo
Sumcadaadii laalantay
Saacadaa aan joognana
Sumcadii fanaanino
Sifaheedii guudnimo
Salabaanu kaa marin
Wax kalood samaysiyo
Ninka saaran fooqee
Siilaanyo dhaafee
Arimaha sar gooyee
Saran yahay kan diidiyo
Xirsiyood surwaalkiyo
Saabaankiisa qaadood
Sacabada u leeftiyo
Secretorry-daciifiyo
Saaxiib qaboojiye
Soomaali land imo
soona doono jago kale.
Khadar hassan
Gabiley somaliland
Borama_39@hotmail.com