|

Golaha Deegaanka ee Degmada Saylac oo Mar kale doortay Maayarkii iyo Maayar Xigeenkii ay hore u doorteen+Xildhibaanada Beesha Ciise oo fadhiga ka soo xaadirin

 

Hargaysa 01,Jan.(SDN)

Xubnaha Golaha Deegaanka ee Degmada Saylac ayaa maanta  fadhi ay yeeshaan ku doortay  maayarka  cusub iyo maayerku xigeenka  degmadaas.

kullankan  oo uu Goob joog ka ahaa Gudoomiyaha gobolka Salaal  Nuur  Cismaan  Guuleed ayaa waxaa ka soo xaadiray  Toban xildhiiban oo ka mid ah  Todoba iyo Tobaanka xildhibaan  ee golaha cusub ee degmadu ka koobaan yahay  waxaana  mudaayshu halkaasi ku  dhaariyey   gudoomiyaha maxkamada degmada  lughaya oo uu u soo wakiishay  gudoomiyaha  maxkakmada gobolka  salaal

Kadib Waxay Mudanayaashu waxa  ay cod aqlabiyad ah   ku doorteen inuu  noqdo maayarka  degmada Seylac  Xuseen  Ciidle Barkhadle, halka   mayar ku xigeena ay u doorteen  Sacad Daahir  Cige

hadal  uu halkaas ka  jeediyay gudoomiyaha gobolka salal md. Nuur  Cismaan  Guuleed  ayaa  waxa uu xildhibanada golaha   degaanka ee degmada  saylac kula dar daarmay  inay ugu sheeqeyaan  wada jir  iyo  wax wada qabsi bulshada  degaanka wada degan isla markaan ka hawlgalaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen baahiyaha dhinca biyaha iyo caafimaadka ee degmada ka jira.

Kulankan lagu doortay  gudoomiyaha degmada saylac waxa goob joog ka ahaa wafdiga dawlad ee uu hogaaminayo wasiirka wasaarada warshadaha md. Clrisaaq Cali Cismaan kana mid yihiin Xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamanka Somaliland kuwaas oo mudooyinkii dambe ku sugnaa gobolka salal.

Dhaarinta Xildhibaanada ayaa markii ay dhamaatay Waxay Todobadii Mudane ee Beesha Ciise uga soo baxay Golaha Deegaanka ee Degmada Saylac ay ka dareereen Doorashada,Inkasta oo Cod dheeri lagu kala guulaysto hadana waxaan weli bogsoon Tabashadii ay qabeen Xildhibaanada Beesha Ciise lamana garanayo talaabada kale ee ay Xukuumadu qaadan doonto,kadib markii ay ku fashilantay inay dhex dhexaadiso labada dhinac isla markaana ay beesha Ciise Siiso Maayarka Degmadda Saylac.

Hargaysa SDN

 

Comments are closed