|

Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland oo Shaacisey 15.12.12 in La Qaybinayo Darajooyinkii Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland Ilaa Hadana aan La Hayn.

London Dec30 (SDN) Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Md. Axmed Xaaji Cali Cadami Ayaa Shaaca ka Qaaday bishu maray aheed 21/11/2012 In la bixinayo darajadii ciidanka qalabka sida marka ay bishu tahay 15-ka December 2012 ay Dalka Itoobiya Ka Iman Doonto Darajadii Ciidammada Qalabka Sida Ee Somaliland Oo Dhammaystiran. Wasiirka Gaashaandhiggu Waxa Uu Sidaasi Ku Sheegay Waraysi Uu Maalintaasi Siiyey Weriye Xamse Cali Bul Bul Oo Ku Tirsan TV-ga Qaranka. ”Darajadii Ciidammada Kala Duwan Ee Dalka Way Soo Dhammaatay, Waxa Laga Keenayaa Dalka Itoobiya 15-ka Bisha December Ee Fooda Innagu Soo Haysa. Wasaaradda Gaashaandhigga Itoobiya Ayaanu U Dirnay Laba Sarkaal Oo Ka Soo Qaadaya,”Ayuu Yidhi Wasiirka Gaashaandhiggu. Md. Axmed Xaaji Cali (Cadami) Waxa Uu Intaasi Ku Daray “Wasaaradda Gaashaandhigga Itoobiya Ayaannu Ka Dalbanay Inay Noo Samayso Darajooyinka Ciidamadeena Kala Duwan Oo Dhamaystiran. Waxaana Inoo Samaysay Warshad Ku Taalla Itoobiya”. Qeybta Darajooyinkeena ciidammaddeenu waxay qaadan doontaa illaa 15-ka January 2013-ka. Waana Hawl Muhiim ah oo Qaran ahaan aynu qabsanay oo Mudnaanteeda leh,”ayuu intaas raaciyay. Samaynta darajooyinka Ciidamada Qalabka sidaa waxa uu ahaa Mid ka Mid ah ballan-Qaadyadii ugu Cuslaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo ku galay Ololihii Doorashadii Madaxtooyada Ee Waddanka ka Qabsoontay 26-kii Bishii June 2010-kii. Waxaa kale uu Md Ahmed Xaaji Ali Adami intaasi ku darey in Tallaabadani Kor U Qaadaysaa Haybadda Ciidamada Iyo Dhismahooda Ciidan Qaranka Somaliland guud ahaanba.

Hadaba waxaa is weydiin leh xiligii uu balan qadey Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Md. Axmed Xaaji Cali Cadami In la bixinayo Darajada waxaay dhaaftey Mudo badan, sida uu wareysigiisa ku sheegey loona balan qaadey ciidanka Qaranka Somaliland ,Hadaba maxaa is badaley ee keeney dibu dhaca intaasi leeg ,Arintanina hadaan la fulin sida uu balan qaadey wasiirku waxaay keeni karta niyad jab-weyn oo ku timada mooralka ciidanka qaranka Somaliland dhamaantiis.

Mohamed Luqman

London

Comments are closed