Waasarada Amniga oo sheegtay in ay wax ka qaban doonto Amaanka Magaalada Muqdisho
Muqdisho Dec 30 2012 (SDN)— Wasaarada arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay inay waxbadan ka qaban doonto Ammaanka Magaalada Muqdisho.
Sida uu sheegay wasiirka wasaarada arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Xukuumadda Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in qorshayaasha Xukuumadda Soomaaliya ee dhanka ammaanka uu yahay mid ballaaran.
Wuxuu sheegay C/kariin Xuseen Guuleed wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Xukuumadda Soomaaliya in Magaalada Muqdisho loo sameynayo ciidamo gaar ah oo soo celiyana ammaanka Magaalada Muqdisho.
Qorshaha Xukuumadda Soomaaliya ayuu sheegay inuu yahay in qof hub wata oo Dowladda ka madaxbanaan uusan ku sugnaan karin Magaalada Muqdisho hadii uu ku sugan yahay Dowladda ay ka warqabto.
Inkastoo wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Xukuumadda Soomaaliya uu hadalkaasi shaaciyay ayaa hadana Magaalada Muqdisho waxaa jiro maleeshiyo badan oo hub wata kuwaasi oo ka madaxbanaan Dowladda Soomaaliya hubkoodana aan diiwaangashneen.
Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa maalmahan dambe wuxuu ahaa mid soo wanaagsanaanaya tan iyo markii ciidamada Booliiska iyo sidoo kale kuwa Nabadsugida ay bilaabeen qorshe hubka looga uruurinayo maleeshiyaadka Muqdisho dhexjooga iyo raga ka tirsan Dowladda ee aan tuutaha sharciga wadan.
SDN-Muqdisho