Faroole: Wax muddo kororsi ah ma sameyn, laakiin waxaan dhameysanayaa 5-sano ee Dastuurka
Garoowe Dec 30 2012 (SDN)— Xilli muddooyinkaan dambe xasarad dhanka siyaasada ah ay ka taagneed deeganada maamulka Puntland ayaa Madaxweynaha maamulka Puntland oo ka hadlay arintaasi ayaa wuxuu sheegay inaysan jirin muddo kororsi uu sameestay.
C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa wuxuu sheegay inuusan jirin wax muddo kororsi ah uu sameeyay balse uu dhameysanayo shanta sano ee ku qoran dastuurka maamulka Puntland.
Faroole ayaa dhanka kale sheegay in musharaxiinta doonaya inay qabtaan hogaanka maamulka Puntland ay yihiin dad aan isku kalsooneyn isaga oo sheegay inay ka baqanayaan inuu doorashada kusoo baxo isaga.
Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa sidoo kale sheegay in nidaamka axsaabta ee deeganada maamulka Puntland ay sidoo kale baqdin ka muujinayaan musharaxiinta aan isku kalsooneyn sida uu sheegay.
Hadalka Faroole ayaa wuxuu imaanaya iyadoo maalmahan dambe Magaalada Gaalkacyo qeybta waqooyi ee Puntland ay ka dhacayeen dibadbaxyo looga soo horjeedo maamulka Faroole iyo muddo kororsigiisa.
SDN-Garoowe