|

Mid ka mida Duyuuradaha rakaabka ee Ruushka oo ku bururtay wado Moscow ku taal

Moscow Dec 30,2012(SDN)-Mid ka mida duyuuradaha xamuulka ee dalka Ruushka ayaa kusoo dhacday wado ku taal magaalada caasimada ah ee Moscow.

Duyuurada ayaa gudubtay gegidii loogu talo galay in ay caga dhigato ka dibna ku burburtay wadado kuwa gawaaridu maraan ah.

Duyuurada oo kuwa rakaabka qaada aheyd ayaa waxa la socday dhawr iyo toban ruux oo afar ka mid ahi geeriyoodeen,halka intii kalena ay dhaawac yihiin.

Xilga shilku dhacay oo uu baraf da”ayay ayaanay caden in ay sabab u tahay burburka.

Shaashadaha ayaa laga daawanayay burburka duyuurada oo daadsan wadada bartamaheeda.

Ilaa iyo haatan ma cada sababta dhabta ah ee keentay burburkan oo nuuciid=san aan hore loogu arag Ruushka.

SDN-Moscow

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed