|

Meeliishaad Bakistaan ku laayay ciidamo ay qafaasheen

Peshwar Dec 30 2012(SDN)-Koox hubeysan oo dhawaan ciidamo dalka Bakistaan u dhashay qafaashay ayaa laayay 20 ka mid ahaa ciidamadaasi,sida ay sheegeen laba ka mida ciidamadii la qaafashay oo bedbaaday.

Ciidamada ayaa la qaafashay ka dib kolkii kooxdan hubeysani ee ay weeraro dhawr ah ku qaadeen dhar goobood oo baro kontrol ahaa oo ciidamadu ka hawl galayeen.

Weerarada iyo dilka ayaa ka dhacay gogolka ay qabaailku ka arimiyaan ee ka madaxa banaan dawlada dalka Bakistaan.

Ciidamada iyo nidaamka dawladeed ee halkaa ka jira ayaa ah midsalka ku haya rabitaanka Qaabaailka dega degaanka Peshwar.

Gobolkan ayaa waxa ku badan qowmiyada Bashtuunka oo sidoo kalena dega dalka Afgaanistaan.

Qowmiyadan ayaa si weyn u taageerta kooxda xag jirka ah ee Taalibaan.

SDN-Pashwar

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed