|

Tababarihii Brooklyn Nets(NBA) oo Daaqadda Laga Tuurey Muxuuse Galabsadey?

New York-Dec-29-2012-qurbejoog.com-Akhyaartay qubanaheena ciyaaraha waxaynu maanta jaleeceynaa Tababarihii kooxda kubadda koleyga ee Brooklyn Nets (NBA) Avery Johnson oo shaqadii laga eryey muxuuse galabsadey?

Haddaba tababarahan oo runtii ahaa xiddigihii barasamaadkii ee reer Mareykan Avery Johnson ayaa kooxo kala gaddisan soo tababarey,sannadii 2006-na waxaa loo magacaabey Tababarihii sannadka wuxuuna macalin u ahaa Dallas Mavericks.

Akhyaartay runtii Johnson iyo kooxdiisa oo dar-dar ku bilaabey horyaalkan kubadda koleyga ayaa waxay iskugu soo biyo shubatay in ay dhifishonkooda kaga jiraan kaalinta 8-aad markii ay badiyeen 14-an kulan lagana badiyey 14-an kulan taas ayaa kalaafatey Johnson.

Ruuntii waa maalin an aad ugu xumahay aniga iyo faamilkeygaba,waana maalintii dhalashadii xaaskeyga,ma’aha maalintii aan hadyadda u keeni lahaa sidaana waxaa ka dhawaajiyey Avery Johnson.

Johnson oo hadalkiisii sii wata wuxuu yidhi ma ogeyn iney tani imaneyso,laakiin waxaa go’aankaas gaadhey milkiilaha kooxda waana wax ka mid ah Bisaniska(Business) haddii ay xaq tahay iyo hadii kalaba.

Saaxiibayaal Johnson oo wali sii wata cataabkiisa wuxuu yidhi anigu milkiilaha ma’ahi (Owner) haddii aan ah’aan lahaa tani mey dhacdeen,laakiin nolosho sida aad adigu ugu talagashey ma aha,markastana waxaa eeda korka looga tuuraa Tababarayaasha waxana waa Bisanis(Business).

Akhyaartay Avery Johnson wuxuu Brooklyn Nets heshiiska uu u saxeexey ahaa 3-ex sanno lacgtuna waxay cagacageyneysey 12 million oo doller,waxaana u harsanaa hal sanno.

W/ Qorey Jaahuur

qurbejoognews.com

jjaahuur@hotmail.com

Comments are closed