|

Kenya oo Al Shabaab ku eedeeysay boolis lagu dilay Magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari

Nairobi Dec 29 2012 (DSN)— Sida uu u sheegay Sarkaal sare oo ka tirsan Booliiska dalka Kenya wakaalada wararka AFP, dhacdadii ugu danbeysay ee ka dhacday dalka Kenya gaar ahaan magaalada Mandheera ee lagu dilay ciidamo Booliis ah oo Kenya ka tirsan ayaa waxa ay dilkooda sheegeen inay ka danbeeyaan dagaalyahano ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Ciidamada Booliiska waxa ay ku safrayeen wadamada markii kooxaha hubeysan ay rasaasta ay ku furayeen,kooxaha dilka geystay durbadiiba goobta ay isaga baxeen,sidaasi waxaa AFP u sheegay sarkaalka sare oo Booliiska Mandhera ka tirsan.

Waxa ay ahaayeen afar ruux oo hubeysan,waxaana ugu shakinay inay yihiin Al-Shabaab oo doonayay inay weeraraan goob ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan ciidamada Booliiska Mandheera ee Gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya,ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaalkan Booliiska Kenya ee la hadlay AFP.

Waxa ayna sidoo kale ay sheegeen Booliiska Magaalada Mandhera in kooxaha hubeysan markii dilka ay u geysteen ciidamada Boliiska ay horay u qaadeen hubka gacmaha uu ku siday,halka askarigii wehlinayay sarkaalkii la dilay uu goobta uu isaga baxsaday isaga wax dhibaato ah gaarin.

Philip Tuimur oo ah taliyaha Booliiska Gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya,ayaa xaqiijiyay dhacdada lagu dilay sarkaalka Booliiska Gobolka waqooyi bari dalka kenya ka tirsan,waxa uuna sheegay in wali ay wadaan baaritaano ku aadan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen dhalinyardii ka tirsaneyd al-shabaab ee dilka geystay.

Arintaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo magaalada Mandheera ee dalka Kenya lagu toogtay sarkaal ka tirsan ciidanka boliiska Magaalada Mandheera ee gobolka waqooyi bari ee dalka.

Ilaa iyo iminka ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay Al-shabaab oo ku aadan eedeynta loo jeediyay.

SDN-Nairobi

Comments are closed