Safaarada Soomaliya oo ka warbixisay dad Soomaali ah oo ku geeriyooday dalka Libya
Tripoli Dec 29 2012 (SDN)— Ku dhawaad 20-ruux oo Soomaali ah ayaa ku geeriyootay kadib markii gaari ay la socdeen kuna rarnaa Shamiindo ay kusoo dumeen taasi oo ka dambeysay geerida dadkaasi.
Tirada dadka saarnaa gaariga Shamiindada lagu soo raray ayaa waxa la sheegay inay gaarayaan 120-ruux oo isugu jiray Soomaali iyo sidoo kale dad kale.
Dadka geeriyooday ayaa la sheegay inay tiradooda tahay 18-ruux oo Soomaali ah sida uu sheegay safiirka Soomaaliya ee dalka Liibiya C/qani Maxamed Waceys.
Safiirka Soomaaliya ee dalka Liibiya C/qani Maxamed Waceys ayaa sheegay in arintani ay ka dhacday meel udhaxeysa Magaalada Bangaasi iyo sidoo kale bariga Magaalada Tripoli ayna ka xun yihiin dhacdadaasi iminkana ay booqanayaan dadkii dhaacwamay.
Wuxuu sheegay in dadka dhaawacmay iyo kuwa dhintay inta uu ka warqabo ay ubadan yihiin dad Soomaali ah islamarkaana xaaladooda caafimaad qaar la dabiibayo kuwa dhaawaca ah,halka kuwii badqabayna la xiray.
Sidoo kale gabar kamid ah dumarkii saarnaa gaariga oo ka badbaaday dhacdadaasi ayaa sheegtay inay ahaayeen dad tahriib ah islamarkaana gaari weyn oo ay la socdeen shamiindo saarneyd ay kusoo duntay taasina ay keentay inuu soo gaaro khasaaro kala duwan.
Waxa ay sheegtay in ku dhawaad 20-ruux ay halkaasi ku dhinteen halka sidoo kale dad kale ay dhaawacmeen iyadoo sheegtay in iminka ay xabsi ku jirto iyadana.
Dhalinyarada Soomaalida ayaan ku quusqaadan dhibaatooyinka kala duwan ee had iyo jeer ay la kulmaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee tahriibka u aada dalalka caalamka.
SDN-Tripoli