MSF oo ka deyrineysa qaxootiga Soomaaliyeed ee lagu qasbayo in ay dib ugu laabtaan Dhadhaab
Nairobi Dec 29 2012 (SDN)— Hay’adda dhaqaatiirta aan xudduudda lahayn ee MSF ayaa walaac ka muujisay qaxootiga ku sii qulqulaya xeryaha Dhadhaab ee Gobolka Waqooyi-bari Kenya, kaddib markii ay dowladda Kenya ku cadaadisay kumannaan qof oo qaxooti ah oo ku noolaa magaalooyinka inay ku noqdaan xeryaha.
Madaxa ergada MSF ee Kenya Dr. Elena Velilla ayaa war ka soo baxay hay’adda waxa uu ku qeexay in gargaarka laga bixiyo Dhadhaab aanu ahayn mid dabooli kara baahida bini-aadanimo ee ka jirta xeryaha dhadhaab.
Waxa uu sheegay mas’uulkaan ka tirsan Hay’ada dhaqaatiirta aan xaduuda lahayn ee MSF ay ugu daran tahay xaalada amaandari ee ka jira xeryaha Dhadhaab oo ku nool yihiin qaxooti badan oo Soomaaliyeed.
Isagoo hadalkiisa sii wada Dr. Elena Velilla ayaa waxa uu tilmaamay in dhamaan dadkii Soomaaliyeed ee ku sugnaa deegaanada kala duwan ee dalka Kenya ay bilaabeen inay ku soo dumaan xeryaha dhadhaab,halkaasi oo goor sii horeeysay loogu baaqay inay halkaasi iska xaadiriyaan.
(MSF) ayaa sheegtay inay cabsi weyn ka qabto in arintaan ay reebto xaalad adag oo soo gaarta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sii qulqulaya xeryaha Dhadhaab oo aan awood u lahayn inay wada qaado dhamaan Soomaalida ku sugan Kenya.
Go’aanka Kenya ayaa la sheegay inuu saameynayo dad qaxooti ah oo ay tiradoodu ka badan tahay boqol kun oo qof, iyadoo hay’adda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha (Amnesty International) ku tilmaantay tallaabadaasi inay ka soo horjeedo sharciga caalamiga ah ee qaxootiga.
SDN-Nairobi