OGAYSIIS- Xaflad si weyn Lagudabaal dagaayo Xisbiga UCID Oo Ka Mid Noqday mar labaad Seddexda Xisbi Qaran Ee S/Land Oo caasimada ugandha Kampala Ka Dhacaysa
(KampalaSDN)Xaflad Si meeqaamkeedu sareeyo loo soo agaasimay oo loogu dabaal degayo Xisbiga UCID oo Mar kale u soo baxay inuu ka mid noqdo Seddexda Xisbi qaraan ee uu yeelan doono dalka Somaliland Tobanka sano ee soo socda ayaa lagu qaban doonaa caasimadda dalka Uganda ee Kampala.
Xafladan oo uu soo qabanqaabiyay hogaanka sare ee xisbiga UCID, waxa ay ka dhici doontaa oo lagu qaban doonaa Hutelka Caalamiga ah ee International Hotel, ee magaaladda Kampala, waxaana ka soo qayb gali doona Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga UCID Mudane Cabdirashiid Xasan Mataan, Gudomiyaha xisbiga ucid ee bariga Africa ahmed abdi Ibrahim iyo kuxigenka xisbiga ucid ee bariga Africa khaddar Mohamed nour (bitijoor) iyo xoghaya xisbiga ucid ee bariga Africa abdi risaaq Mohamed daaud Guddoomiyaha Dalladda Guud ee Midawga Ardaydda Somaliland ee wax ka barata Jaamacaddaha kala duwan ee dalka Uganda Xasan Muuse, Guddoomiyaha Jaalliyadda Somaliland ee dalka Uganda Siciid Cawsle, Fanaaniin iyo qaybaha daramada ee hidaha iyo dhaqanka iyo fananada Ayaan Xasan Shire, kooxaha Hidaha dhaqanka iyo marti sharaf kale oo xafladda lagu soo marti qaaday.
Sidaa awgeed dhamaan Jaalliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka Uganda iyo dhamaan ardaydda Somaliland ee wax ka barata dalka Uganda waxa si xushmad leh loogu wargelinayaa in ay ka soo qayb galaan xafladan balaadhan oo hadii Allaha awooda sare lihi ogolaado lagu qaban doono saadanbe habeenimadda Axada ee ay isniintu soo galayso International Hutel oo ku yaala badhtamaha caasimadda Kampala.
Wixii faahfaahin ah ee intaa dheer fadlan kala xidhiidha Telefoonadda Maamulka Qabanqaabadda Xafladda sida guddomiyaha qabanqabada jaliyadda ugandha ee xisbiga ucid abdi qadir ina ranbo 0792471061 0793236352 ama 0756189225 ama 0791661106 ama 0793177224 ama 0791547085
KA SOO QAYB GAL WACAN
ILAAHAY BAA LEH
Wariye khaddar Mohamed nour
+256791661106
OFFICE UGANDHA KAMPALA