Mas’uuliyiinta dowlada ee ku sugan Kismaayo oo ku howlan maamul u sameynta Magaladaasi
Kismaayo Dec 28 2012 (SDN)— Wasiirka wasaarada Warfaafinta boostada iyo isgaarsiinta xukuumada Federaalka Soomaaliya C\laahi Ciilmooge Xirsi oo qara kamid ah warbaahinta isagoo ku suagan Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa uu sheegay in ay maanta kulamo la qaadan doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaaasi sida Culumaa u diinka,Dhalinyarada , Odayaasha, iyo Haweenka ku dhaqan halkaasi.
Wasiirka waxaa uu sheegay in kulamadaasi ay la qadayanayaan dadka deegaanka ay kala hadlidoonaan xaalada magaaladaasi iyo waliba hadii ay jiraan dhibaatooyin ay la kulmaan iyo sidii guud ahaan shacabka gobolada jubbooyinka maamul ay ku qanacsabn yihiin loogu sameyn lahaa arintaasina lagala hadlo qeybaha lkala gadisan ee bulshada reer kismaayo iyo guud ahaan Jubbooyinka .
Wuxuu sheegay muhiimadda kulankaasi inuu yahay kala warqaadasho iyo in xukuumadda ay wax ka ogaato xaaladda dhabta ah ee shacabka reer Kismaayo ay kunoolyihiiniyo waliba in shacabka reer kismaayo lagala hadlo maamul nuuca ay doonayaan.
Shalay ayay ahayd markii Wafdi Wasiiro aha oo ka socday xukuumada Soomaaliya islamarkaasna uu hogaaminaayay Wasiirka arimaha gudaha iyo aminaga qaranka xukuumada Soomaaliya C\kariin Xasan Guuleed ay gaareen magaaladaasi.
Xukuumadda cusub ee Soomaaliya yaa dadaal waxa ay ugu jirtaa helidda taageero ay ka hesho Shacabkeeda ay Mas,uulka ka tahay ,iyo waliba in Shacabka gobolada ay wada shaqeyn wanaagsan dhexmarto.