Rag lagu tuhun sanyahay burcad badeednimo lagu qabtay xeebaha Soomaaliya
Brussels Dec 28 2012 (SDN)— Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Belgium-ka oo ka qeyb qaadanaya howlgalka ladagaalanka burcad badeeda Soomaalida Midowga Yurub ee Atlanta ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen 3-ruux oo lagu tuhun sanyahay burcad badeednimo.
Saraakiisha la socota markabka dagaalka Belgium-ka ee Louise-Marie ayaa sheegay in doonta ay gacanta ku dhigeen ay saarnaayeen cagaado shidaal uu ka buuxay waxana ay intasi ku dareen in wax hub ah aan laga helin doonta.
Warsaxaafadeed laga soo saaray Wasaarada Gaashaandhigga Belgium-ka ayaa lagu xaqiijiya 3-ruux ee la qabtay waxaana lagu sheegay in doonida ay qabteen ay u ektahay mid horay burcad badeedu ay falal ugu fuliyeen.
Howlgada burcad badeeda Soomaalida ayaa hoos u dhacay dhawrkii biloow ee la soo dhaafay waxaana taasi sababay Maraakiibta shisheeye ee xeebaha Soomaaliya ku sugan oo kordhiyay roondadooda.
Laakiin burcad badeeda ayaa wali gacanta ku haya markiib iyo shaqaalihii la socday kuwaasi oo ay ka doonayaan in ay ka qaataan dhaqaalo Madaxfurasho ah.
SDN-Brussels