|

Mareykanka oo albaabada u laabay Safaaradiisii Jamhuuriyada Bartamaha Africa

Bangui Dec 28,2012(SDN)-Jamhuuriyada Bartaha Africa ayaa caasimadiisa waxa ku soo wejahan jebhad mudo dagaal kula jirtay xukuumada dhexe ee dalkaas.

Waxaana maalinamdii shalay safaradoodii ilbaabada u laabay dawlada Mareykanka oo isla markaana shacabkeeda ugu baaqaday in ay dalkaasi isaga baxaan.

Afhayeenka wasaarada arrimaha dibedda Patrick Ventrell ayaa sheegay in sidaa ay u sameeyeen amni xumo aawgeed.

“Safaaradayada Bangui waxaanu hawlaheedii u xanibnay xaalad amaan,xiriirkayagii Jamhuuriyada Bartamaha Africa iyo Mareykanku waa sidiisii”.ayuu yiri Afhayeenku.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Bartamaha Africa Francois Bozize ayaa dhawaan Mareykanka io Faransiiska ka dalbaday in ay ka caawiyaan sidii Jebhada Seleka coalition aaney u qabsan laheyn caasimada.

Dad shacab ah ayaa dhawaan weeraray safaarada Faransiiska oo dalkaas hore u gumeystay ka dib kolkii ay sheegeen in Faransiisku gacan u fidin waayeen.

Ma cada halka xaal sal dhigan doono,dadka ku sugan caasimada Bangui ayaa haatan ku jira xaalad kala yaac ah.

SDN-Bangui

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed