|

Midowga Africa oo ku baaqay in la taageero howlgalada lagu la dagaalamayo Al Qaacidda

Addis Ababa Dec 27 2012 (SDN)— Madaxa Ururka Midowga Africa Nkosazana Dlamini-Zuma oo ka hadashay howlgalka ciidamada Midowga Africa ay ka wadaan wadamo qaar oo ka tirsan wadamo Africa oo Soomaaliya ay ka mid tahay ayaa waxa ay sheegtay in loo baahan yahay la taageero howlgalka ciidamada Midowga Africa ee AMISOM iyo wadamo kale oo Africa ka tirsan oo ciidamada Midowga Africa ay ka howlgalaan.

Waxa ay si gaar ah u xustay Nkosazana Dlamini-Zuma Gudoomiyaha Midowga Africa in wadamada horumaray looga fadhiyo inay suurta galiyaan horay u sii socashada dadaalada laga doonayo in nabad looga dhaliyo wadamada qalalaasaha ay ka taagan yihiin ee Africa,iyadoo tusaale u soo qaadatay Soomaaliya ay ka howlgalaan ciidamo ka socda wadamada Midowga Africa qeybta ka ah.

“Waxaan Go’aan sanay inaan sii wadno taageerida Soomaaliya,waa ayna nagu adag tahay in aan sii wadno taageeradaasi hadii aan gacan aan ka waayno wadamada deeqda bixiya,waa waxna aan ka fursan karin in Soomaaliya aan ka taageerno nabad ku soo dabaalida iyo la dagaalanka Al-Shabaab,sidaasi si la mid ah,waxa dalalka horumaray laga doonayaa inay taageeraan howlgalka AMISOM,sidaasi waxaa sheegtay, Nkosazana Dlamini-Zuma.”

Waxa ay sidoo kale hadalkeeda intaasi ku dartay Guddoomiyaha Midowga Africa inay doonayaan inay ka hortagaan qatarta Al-Qaa’ida geeska Africa oo ay sheegtay inay qalqal ku yihiin amaanka dalalka geeska africa ku yaala.

Ugu danbeyntii Nkosazana Dlamini-Zuma. ayaa waxa ay hoosta ka xariiqday in wadamada haatan laga cabsi qabo ay tahay in nabadgalya la’aanta ay ku fidaan loona baahan yahay in la ilaaliyo ay tahay Soomaaliya,Nigeria,Darfur iyo waliba wadamo kale oo aad u fara badan,waxa ayna xustay in dhamaantood ay ka bilaabanayaan dardargilinta la dagaalanka kooxaha ka jira wadamadaasi.

SDN-Muqdisho

Comments are closed