Nelson Mandela oo gurigiisa lagu celiyay markii 18 maalmood Cusbatal lagu daawaynayay, waa sidee xaaladdiisa Caafimaad?
Pretoria December 27, 2012 (SDN)- Madaxweyinii hore ee dalka Koonfur Afrika, ayaa gurigiisa lagu celiyay ka dib markii muddo saddex todobaad ku dhow lagu daawaynayay cusbatal.
Siday ku warantay qaybta dunida la hadasha ee BBC, Nelson Mandela oo hadda 94 jir ah waxa 18 maalmood cusbatal laga daawaynayay xanuun Caabuq ah oo haleelay iyo dhagaxaan Caloosha ka gashay oo laga soosaaray.
Madaxweynaha hadda talada dalkaas haya Mr Jacob Zuma, waxa uu Khamiista maanta sheegay in Mr Mandela uu niyad wanaagsanaa, isla markaana daawaynta loogu sii wadayo gurigiisa ilaa inta uu si buuxda uga soo kabanayo xanuunkaas haleelay.
Nelson Mandela oo ka mid ah shaqsiyaadka ugu caansan Adduunka, waxa uu warka bukaankiisu welwel ku abuuray dad badan oo reer Koonfur Afrika iyo Caalamkaba ah, siday BBC qaybteeda dunida la hadashaa sheegtay.
Labadii sannadood ee u dambeeyay, waxa saddex jeer loo gudbiyay cusbataal, laakiin tani waxay ahayd markii ugu badnayd ee uu cusbataal u jiifay sababo daawayn la xidhiidha.
Qoyska Mr Mandela waxay sheegeen inay ka murugoodeen in aanu awoodin inuu ku weheliyo dabaal-deggii maalinta Masiixiyiinta ee ‘Christmas Day’, laakiin waxa booqday xaaskiisa Graca Michel iyo Madaxweyne Zuma.
Waa kuma Nelson Mandela?
Mr Mandela waxa uu sannadkii 1994-kii noqday Madaxweynihii u horeeyay ee Madow ee South Africa yeelato, ka dib markii uu ku guulaystay doorashadii u horaysay ee Dimoqraadi ah ee dalkaas ka dhacda.
Ilaa intii ka horeysay waqtigaas, Koonfur Afrika waxa xukumayay dad Caddaan ah inka badan 300 (saddex boqol) oo sannadood.
Mr Mandela waxa uu in badan oo noloshiisa ah ku qaatay Xabsi, ka dib mudaraad ka dhan ahaa jidka ay Koonfur Afrika ku hoggaaminayeen nidaam loogu yeedhay ‘apartheid’ kaasoo ay hayeen dadka Caddaanka ah, dadka Madowga ahina dibadda uga joogeen.
Tan macnaheedu waxay ahayd in dadka Madowga ah ee ku dhaqan Koonfur Afrika ay haysteen xuquuqo yar iyo in aanay wax dooran karin.
Mr Mandela waxa uu hadda u muuqdaa Caalamka guud ahaan, in jiritaankiisu masuul ka ahaa inuu dhamaamo xukunkii Midab-takoorka.
Qurbejoog.com, Pretoria
editor@somalidiasporanews.com