|

Duqa Caasimada Hargaysa Eng Jiciir oo maanta u qaybiyay dad Maalgashaday Suuqa Inji

Hargaysa 27 Dec (SDN)- Duqa Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamud Jiciir ayaa maanta u qaybiyay boqol iyo sodon guri oo ku yaal suuqa Inji ee degmada Axmed-Dhagax oo dadka ku ganacsadaa maalgashadeen.

Munaasibad lagu qabtay hoolka shirarka ee Dawlada Hoose ee Caasimada Hargeysa, isla markaana ay ka soo qaybgaleen Injineerka guud ee Dawlada Hoose ee Caasimadda Hargeysa Eng. Ibraahin Aadan Cabdullaahi, Guddoomiyaha Suuqa Inji iyo marti-sharaf kale, waxa dadkii dhismahooda maalgashaday loogu qaybiyay guryahaas.

Duqa Caasimadda Hargeysa ee xilka ka soo degaya Inj. Xuseen Maxamud Jiciir oo hadal kooban ka jeediyay munaasibadaas ayaa tilmaamay sida ay u haboon tahay in degsiimooyinka kala duwan ee Caasimada lagu fidiyo ganacsiga kala gedisan, si aan loogu soo koobmin ayuu yidhi farasmagaalaha caasimada. Maayarka caasimaddu waxa uu ku baraarujiyay dadka Maalgashaday suuqan inay ku dadaalaan kor u qaadka bilicda iyo Nadaafada suuqan oo uu sheegay in laga dhigayo Bacadleyaal.

Xubno ku hadlayay afka Maalgashadayaasha suuqan ayaa dhinacooda caddeeyay inay diyaar u yihiin wax kasta oo horumarinaya suuqooda, iyagoo u mahadceliyay Maamulka Dawlada Hoose oo sheegeen inay wax badan ka gacansiiyeen .

 

Qurbejoog.com, Hargeysa

Comments are closed