|

Madaxweyne Siilaanyo oo ka Qayb galay Shirweynihii lixaad ee Dalada Sonyo

 

Hargaysa 27 Dec (SDN) Madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka qayb galay  shirweynahii  Lixaad ee Dalladda dhalinyarada Somaliland ee SONYO,kaas oo lagu qabtay Huteelka Ambassador ee Caasimada Hargaysa .

Shirweynahan ayaa waxaa ka qayb galay Madax iyo Mas’uuliyiin ka kala socday Golayaasha Qaranka,Xisbiyada Siyaasada,Ururada Bulshada Rayidka ah,hay’adaha Caalamiga iyo kuwa Sama falka Wadaniga ah,Madax dhaqameedyo iyo Marti Sharaf kala duwan.
Gudoomiayaha xiligiisu dhamaaday ee Daladda sonyo Md Axmed Wacays ayaa Sharaxaad ka bixiyay Duruufihii iyo Marxaladihii kala duwanaa ee daladani soo martay,waxaanu intaas ku daray in dalad ahaan ay waxyaabo badan u hirgaleen kana mid yihiin Tababaro Xirfadeed oo ay siiyaan dhalinyarada Somaliland,Waxaa kale oo Mudane Wacays Guul ku tilmaamay talaabadii ay Dabarka Siyaasadeed kaga jareen dhalinyarada hanka iyo damaca Siyaasadeed lahayd si looga hor qaado Qodobkii ay Saaxada Siyaasada kaga qayb galayeen oo markii hore ku jaan go’naa 35 Jir, hasa yeeshee waxa uu Xukuumada iyo Golayaasha Sharci dajinta uga mahadceliiyay sidii ay u aqbaleen uguna dhego nuglaadeen dalabkiii Sonyo ee da’da ay dhalinyaradu ku tartamayeen ka dhigay Shan iyo Labaatan Jir.

Md Wacays waxa uu sheegay in mudadii ay shaqaynayeen ay kulamo badan oo muhiim u ahaa Somaliland ay kaga qayb galeen dalka dibadiisa, kuwaasoo waxyaabaha lagaga hadlaya y qayb ka ahaayeen koru qaadista horumarinta dhalinyarada, waxana uu Madaxweynaha uga mahadnaqay sida uu uga dhabeeyey ballanqaadkii xisbiga Kulmiye ee ahaa Da’da ay dhalinyaradu kaga qayb geli karaan siyaasadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo madashii furitaanka kulankaas hadal kooban ka jeediyay ayaa tilmaamay in dhalinyaradu ay yihiin Xooga dihin ee dalkan iyo dadkiisaba gaadhsiin kara Horumar dhinacyo badan leh waxa uu Madaxweynuhu u soo jeediyay dalada Sonyo sidii ay kaalinteeda uga qaadan lahayd ku jihaynta da’a yarta soo kacaysa inay iimaansadaan dalkooda hooyo isla markaana ka hadhaan dhaqamada hadhaadiga ah ee Tahriibtu ka mid tahay .

Madaxweynaha ka hor waxaa halkaas ka hadlay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro iyo Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cali Siciid Raygal .

                               

Hargaysa SDN

 

Comments are closed