Wasiirka Maaliyada Somaliland oo Ka Warbixiyay Miisaaniyada Qaranka ee 2013
Hargaysa 26 Dec.(SDN)
Wasiirka Wasaarada Maaliyada ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.Casiis Maxamed Samaale ayaa fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada Somaliland waxa uu ka soo jeediyay khudbada Miisaaniyada Qaranka ee 2013-ka.
Fadhigan waxaa Shir Gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi “Cirro” waxaanu Xildhibaanada Golaha ku Wargaliyay inuu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo u soo gudbiyay Golaha Wakiilada Miisaaniyada Qaranka ee 2013ka iyo Siyaasada Miisaaniyadu ku fadhido isla markaana ka dalbaday inay ka gutaan waajibaadkooda distooriga ah.
Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu waxa uu u mahadceliyay Xukuumada oo sida distoorku sheegayo u soo gudbisay golaha wakiilada odoroska Miisaaniyada qaranka iyadoo aanu dhamaan Sannadkan 2012ka waxaanu ka codsaday Gudoomiyuhu Mudanayaasha inay tixgaliyaan inay ku ansixiyaan Miisaaniyada maalmaha kooban ee ka hadhay Sannadkan dhamaadka ah si ay u dhaqan gasho 01.01.2013ka.
Markaas kadib Waxay Mudanayaasha u soo jeediyay Khudbada Miisaaniyada Qaranka ee 2013ka Wasiirka Wasaarada Maaliyada Mudane C.casiis Maxamed Samaale waxaanu xusay inay miisaaniyadii Sannadkan dhamaaday ay sidii loogu talo galay u soo xerootay taas oo ay amaanteeda leeyihiin ayuu yidhi Madaxda iyo hawl wadeenada Wasaarada Maaliyada,Wasiirku waxa uu cadeeyay in Miisaaniyadani ka badan tahay tii Sannadkan 2012ka,boqolkiiba Todoba iyo Toban,isla markaana ay boqolkiiba toban ku baxayso Mashaariic horumarineed oo ay ka mid yihiin derejooyinka Ciidamada,Beeraha,Kalluumaysiga, Caafimaadka ,Dam Damisyo dalka la keeno iyo adeegyo badan oo aan hore u jirin.
Mudane C.Casiis Maxamed Samaale waxa uu Shacabka Somaliland u soo jeediyay sidii ay u bixin lahaayeen cashuuraha kala duwan ee ku waajibay,waxaanu xusay inay xooga saari doonan Cashuuraha beriga .
Wasiirka Wasaarada Maaliyada ee Somaliland waxaa kale oo uu iftiimiyay inay Miisaaniyada Sannadka Cusub ay ku jiraan Kun iyo Shan boqol oo qof oo ka hawl gali doona Wasaaraddaha dawlada,qaybna ka ah La dagaalanka Shaqo la’aanta,Diiwaangelin hor leh oo dalka laga fuliyo si ay doorashooyinka danbe inoo anfacdo isla markaana uu Muwaadin kastaa halka cod ee uu xaqa u leeyahay u helo,waxaanu intaas ku daray in Miisaaniyada Sannadka 2013ka ay ka dhex muuqato Libin laab la siinayo bajadka loogu talo galay Sadexda Xisbi Qaran ee dalku yeelanayo Mudada Tobanka Sannadood ee soo socda .
Mudane Cabdi Casiis Maxamed Samaale mar uu ka hadlayay Tiirarka ay Miisaaniyadani ku qotonto waxa uu xusay inay ka soo bixi doonto afar waaxood oo kala ah Miisaaniyada Xukuumada,Hay’adaha Madaxa Banaan, Dawladaha hoose iyo deeqaha Caalamiga ah oo Guud ahaan isku noqonaya adduun dhan Boqol iyo Shan iyo Sideetan Milyan oo dollar,waxaanu ka codsaday Mudanayaasha Golaha Wakiilada n ay ansixiyaan Miisaaniyada Qaranka ee 2013ka.
Markaas kadib Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa Su’aal kadis ah la boobay Wasiirka Maaliyada taas oo ku saabsan in inuu ka jawaab bixiyo Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha oo aan ku Jirin Qaab dhismeedka Xukuumada,hadana buuga Miisaaniyada ay ku soo dareen,hasa yeeshee Shirgudoonka Gollaha Wakiilada ee Somaliland ayaa ku wargaliyay Mudanayaasha Golaha Wakiiladu inay soo naaqishaan Miisaaniyadan isla markaana maalmaha soo socda doodiisu bilaabi doonto,iyadoo mar kale loo yeedhi doono Wasiirka Maaliyada,si uu Mugdiga uga saaro meelaha ay Xildhibaanadu diirada ku saaraan doodooda.
Hargaysa SDN