|

Natiijadii Codeynta Dastuurka Masar oo la shaaciyay

Qahira Dec 26,2012(SDN)-Guddida doorashooyinka ee dalka Masar ayaa shaaciyay natiijadii codeynta ee dastuurka cusub ee dalkaasi oo murana hareeyay.

Guddidu waxa ay sheegtay in cod aqlebiyada lagu ansixiyay Dastuurka cusub ee dalkaas ee madaxweyne Morsi soo bandhigay.

Mucaaridka dalka Masar ayaa sheegay in codeyntu u dhacday si mususqmaasuq fara badani ku jiro,dalbadayna in dib u eegid lagu sameeyo khaladaadka dhacay.

Guddida doorashooyinka ayaa si toosa uga baahiyay natiijada codeyntii labada qeybood aheyd ee dhacaday 15kii iyo 20kii bishan aynu ku jiro Televisionka dawlada Masar ee Nile TV.

Guddida doorashooyinku waxa ay shaaciyeen in 68% dadkuu codeeyay ay HAA ku ansixiyeen dastuurka cusub.

Dastuurka cusub ee Masar ayaa odhanaya waa in doorashooyinka baarlamaanka dalkaas la qabtaa mudo laba bilood gudahooda.

Codeeynta Dastuurka Masar waxa ka qeyb qaatay 32.9% oo ka mida 52 milion ee ruux ee dalkaa ku nool.

Mucaarid dalkaas ayaa dastuurka cusub ku eedeeyay in aanu tixgelinsiineyn dumarka iyo masiixiyiinta dalkaas ku nool.

Halka ay teegeereyaasha Akhwaanka dalkaa ka arimiya ku adkeysanayaan in dastuurka cusubi uu dalka u horseedayo dimuquraadiyad.

SDN-Qahira

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed