Wasiirul dawlaha nabadaynta ee Gobolada bari oo lagu soo dhaweeyay Degmada Widhwidh
Hargaysa 25.Dec (SDN) Wasiirul Dawlaha Nabadaynta ee Gobolada Bari Mudane Kayse Cabdi Yuusuf ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay Degmada Widh Widh ee Gobolka Buuhoodle oo uu kormeer hawleed ku tagay.
Wasiirul dawlaha Nabadaynta ee Gobolada Bari ee Somaliland ayaa ujeedada Socdaalkiisu waxay salka ku haysaa sidii uu uga qayb gali lahaa Shir ay beeshiisu uga socda deegaankaas,isagoo u mahadceliyay qaybaha bulshada ee soo dhawayntiisa ka qayb qaatay.
Mudane Kayse Cabdi Yuusuf oo khadka Telefoonka aanu kula xidhiidhnay ayaa sheegay inuu ka qayb galayo shir ay beeshiisu uga socda deegaanka Bali Cad oo ka tirsan degmada Widh Widh.
Wasiirul dawlaha Nabadaynta ee Gobolada Bari waxa uu sheegay in xaalada guud ee jiida deegaankaasi ay tahay mid aad u wanaagsan isla markaana uu raxmaadka eebe ka da’ay.
Wasiirul dawlaha Nabadaynta ayaa intii mudo ahaydba waxa uu hawl galo la xidhiidha ka midho dhalinta Gogosha Nabada ee Madaxweynuhu u fidiyay Shacabka ku nool Gobolada bari waxa uu ku joogay deegaamo ka tirsan Gobolka Buuhoodle .
Hargaysa SDN