Wasaarada Horumarinta Adeegga Bulshada oo maanta qalab caafimaad gudoon siisay Isbital kuyaal Muqdisho
Muqdisho Dec 25 2012 (SDN)- Wasaarada Adeega Bulshada ayaa maanta qalab caafimaad oo ay soo dhiibtay dowladda Jabuuti ku wareejisay Isbitaka Keydsaney ee Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Wasaarada Adeega Bulshada Maryan Qaasim Axmed ayaa sheegtay in maanta ay deeg caafimaad oo isu jirtay qalabka caafimadka iyo dawooyin ay gudoonsiiyiin Isbitalka Kedsaney ee Magaalada Muqdisho.
Maryan Qaasim Axmed ayaa tilmaamtay in qalabka caafimaad ee ay maanta ku wareejiyeen Isbitalka Keydsaney ay soo dhiibtay dowlada Jabuuti islamarkaana ay ka guddontay guddoomiyaha barlamanka dalkaasi oo dhawaan booqasho ku yimid Magaalada ee Caasimada Soomaaliya.
Wasiirada ayaa hoosta ka xariiqday in qalabkan loogu talagalay in shacabka loogu adeego islamarkaana ay rajeneyso in Maamulka Isbitalka Keydsaney uu howshaasi dadka rayidka ah u qabandoono.
Dhinaca kale maamulka Isbitalka ayaa ka gudoomay deeqada caafimaad ee ay wasarada Horumarinta Adeega Bulshada ee dowlada Soomaaliya soo gaarisiiyeen waxaana ay kaga mahad celiyeen sida wanaagsan ee ay wasaaradu u dooneyso in ay wax ugu qabato shacabka Soomaaliyeed.
SDN-Muqdisho