golaha Deegaanka ee Bali Gubadle oo doortay Hogaanadoodii
Hargaysa 25 Dec.(SDN) Xubnaha Golaha Deegaanka ee Degmada balligubadle oo manta yeeshay fadhigoodii ugu horeeyey ee rasmi ah ayaa ka dib markii la dhaariyey waxay doorteen Mayor-ka iyo Mayor ku xigeenka cusub ee ay yeelan doonto magaaladaasi .
Fadhiga oo ay soo xaadireen xubnaha sadex iyo tobanka ah ee xildhibaanada golaha deegaanka waxaana goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka hawd Md Jamaal Hurre Xuseen.
Jagada Mayor-ka Magaalada balligubadle ayaa waxaa ku tartamay labada xildhibaan ee kala ahcabdi iimaan Jaamac iyo Sacad Xariir, waxaana tartankoodu u muuqday inuu yahay kii ugu kululaa ee illaa hadda soo mara doorashooyinka Mayor-ada cusub ee degmooyinka Somaliland, maadaama hal cod oo keliya lagu kala badiyey.
Xubnaha sadex iyo tobanka ah ee soo xaadiray fadhigaasi ayaa Todoba ka mid ahi waxay Mayor-ka balligubadle u doorteen Md Cabdi iimaan Jaamac taas oo ka dhigaysa inuu noqdo Mayorka magaaladaasi ee 10-ka sano ee soo socda. Halka musharixii labaad ee la tartamayey uu helay Lix cod.
Md Mowliid jaamac Yuusuf oo aan cidina kula tartamin jagada Ku xigeenka Mayor-ka ayaa waxaa u codeeyey sagaal xildhibaan waxana ka aamusay sadex, gudoomiyahuna ma codayn sidaana waxuu ku noqon doonaa ku xigeenka Mayorka degmada Balligubadle ee Tobanka sanadood ee soo socda.
Geesta kale Golaha Deegaanka ee Gebilay ayaa \Goor Dhawayd doortay Maayar iyo Maayar Xigeen kuwaas oo aan dib iidinka soo gudbin doono Magacyadooda inkastoo ay ka soo baxeen Xisbiga Kulmiye
Hargaysa SDN