Howlgal hub iyo waxyaabaha qarax lagu soo qab qabtay oo laga sameeyay Magaalada Jowhar
Jowhar Dec 25 2012 (SDN)— Maamulka Gobalka Sh/Dhexe ayaa sheegay in howlgal ay ka sameeyeen Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalkaasi ay kusoo qab qabteen hub iyo sidoo kale waxyaabaha qarxa.
Afhayeenka maamulka Gobalka Shabeelaha Dhexe Daa’uud Xaaji Ciiro oo wareysi siiyay qaar kamid ah Idaacadaha Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in waxyaabaha ay soo qabteen ay ubadan yihiin miinooyinka nooca dhulka lagu aaso.
Wuxuu sheegay in guri ku yaalo Degmada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha dhexe ay kasoo qabteen miinooyinkaasi taasina ay ugu suuragashay howlgal ay sameeyeen ciidamada Dowladda ee Gobalkaasi.
“Hubka aan soo qabanay wuxuu ubadnaa miinooyin culleeskoodana waxa ay gaarayaan 100-tan dhamaana qalabkooda dhana waa ay wataan” ayuu yiri afhayeenka maamulka Gobalka Shabeelaha Dhexe.
Hadalkiisa ayuu intaasi ku daray in ka sokoow miinooyinka ay qabteen ay sidoo kale gacanta ku dhigeen buddo kiimiko oo nooca waxyaabaha qarxa laga sameeyo ah taasi oo ay ku doonayeen inay sida uu sheegay Shabaab qaraxyo kaga geestaan Gobalkaasi.
Ciidamada Nabadsugida iyo kuwa maamulka Gobalka Shabeelaha Dhexe ayuu sheegay inay siwadajir ah isaga kaashadeen fulinta howlgalkaasi islamarkaana ay soo qabteen hubkaasi.
SDN-Jowhar