|

Barlamanka oo kulan looga hadlayo Miisaaniyada ku yeelanaya Xarunta golaha Shacbiga

Muqdisho Dec 22 2012 (SDN)– Barlamanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya Xarunta golaha Shacabka Soomaaliyeed kaasi oo looga hadlayo miisaaniyada dowladdu ay ku shaqeyn doonto 4-sano ee soo aadan.

Kulanka maanta ay yeelanaya barlamanka Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa la filayaa in looga hadlo arrimaha miisaaniyda ku saabsan madaama wasiirka Maaliyada uu qeybiyay dhawaan buugaata miisaaniyada 2013-ka.

Kalfadhiga barlamanka maanta waxa iclaamiyay guddoomiyaha barlamanka Soomaaliyeed waxaa la qorsheynayaa in saacadaha soo aadan uu ka furmo Xarunta Golaha Shacbiga Soomaaliyeed.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii loo qeybiyay barlamanka bugaagta miisaaniyada 2013-ka waxaana la filayaa in intabadan maanta la falaqeyn doono arrimaahi.

Sidoo kale waxaa lafilayaa in la qeybiyo Bugaag loogu Magacdaray Bayaanka dhidaamka Maaliyada oo ay soo diyaarisay wasarada Soomaaliya.

SDN-Muqdisho

Comments are closed