Maxaad ka ogtahay Waqtiga la dhaarinayo xildhibaanada Deegaanka Hargeysa iyo xubnaha lagu wado inay qabtaan xilka Maayarnimo iyo kuxigeenkiisa, muxuuse daarran yahay kulankooda maantu?
Hargeysa 22, December 2012 (SDN)- 25-ka xubnood ee dhowaan ku guulaystay golaha Deegaanka caasimadda Hargeysa, ayaa lagu wadaa in 48-ka saacadood ee soo socda si rasmi ah loo dhaariyo, ka dib doorashadii November 28 ka dhacday Somaliland.
Siday ilo-wareedyo xogogaal ahi u sheegeen shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com, Sabtida maanta waxa lagu wadaa in xildhibaanada cusubi ku kulmaan kulan qado ah oo uu ugu baaqay wasiirka Daakhiliga Somaliland Mr. Maxamed Nuur Carraale (Duur).
Maalmihii u dambeeyay waxa si wayn magaalada Hargeysa uga socotay ololaha xubnaha damacu ka hayo xilalka Maayarka iyo kuxigeenimada caasimadda, iyadoo kala-jiidasho xoog lihi socotay.
Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye oo helay 7 ka mid ah 25-ka xildhibaan, ayaa ku dedaalaya inuu hanto jagada Maayarnimada, inkastoo ay u baahan yihiin xulafo u saamaxda inay helaan ugu yaraan 6 kale, si ay u gaadhaan ugu yaraan codadka 13 ka mid ah 25-ka xubnood ee ka soo dhex baxay doorashadii Deegaanka Hargeysa oo ay u ordeen 175 murashax oo 7-da xisbi iyo urur ka sharaxnaa.
Hase yeeshee, siday ilo xogogaal ahi tibaaxeen, kulankan qadada ah ee maantu waxa uu ka dambeeyay ka dib markii ololihii muddada labada todobaad ka badani saldhigtay, iyadoo la sheegay in xubnaha xisbiga Kulmiye iyo kuwa xisbiga UCID ku heshiiyeen inay kala qaataan jagooyinka Maayarka iyo kuxigeenkiisa.
Warku wuxuu intaa ku daray, in lagu wado in Axadda beri la dhaariyo golaha cusub oo bedelaya golaha uu hoggaamiyo Maayarka xilka banaynaya Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, kuwaasoo xilkaas hayay muddo toban sannadood ah.
Is-xulafaysiga xildhibaanada UCID iyo Kulmiye, kama madhna istaageersi wadaag ah oo hab-beeleed ku dhisan, waxaana loo badinayaa in Eng. Yuusuf Warsame Siciid oo ka mid ah xubnaha u soo baxay KULMIYE loo doorto xilka Maayarnimo, halka wiil dhalinyaro ah oo Cabdicasiis Maxamed Xaashi oo ku magac-dheer Ina Gacaweyne kana mid ah afarta xubnood ee UCID lagu wado in loo doorto jagada Maayar kuxigeenka caasimadda Hargeysa.
“Waxaan ogahay in qorshahan inta badan xildhibaanadu ku heshiisay, wayna jiri karaan xubno jagooyinkan u tartama,” ayuu yidhi mid ka mid ah xubnaha cusub oo u waramay Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com, kana gaabsaday in magaciisa la xuso.
Sida warku sheegay, isbahaysigani haysto in ka badan kala-badh xubnaha cusub ee 25-ka ah, iyadoo iskaashigoodana ay barbar socdaan qorsheyaal ay dabada ka riixayaan xisbiyadaas iyo kooxo kale oo ka soo jeeda beelaha Hargeysa qaarkood, kuwaasoo ku dedaalaya hirgelinta qorshahooda.
25-ka xubnood ee golaha Deegaanka Hargeysa, waxay xisbiyada iyo ururada siyaasaddu u kala heleen sidan;
1-Kulmiye, 7 xubnood;
2-UCID, 4 xubnood;
3-Waddani, 4 xubnood;
4-Xaqsoor, 4 xubnood;
5-Umadda, 3 xubnood;
6-Dalsan, 2 xubnood;
7-Rays, 1 xubin.
Qurbejoog.com, Hargeysa